Somaliland: Gudoodo-Carwo: Taariikhda Haweenaydii Ugu Horreysay Fanka Soomaalida & Qisas Maad Ah Oo Ku Soo Maray Heesteedii Koowaad

Waxa Khamiistii Magaalada Hargeysa lagu aasay Alle ha u naxariistee Shamis Abokor Ismaaciil (Guduudo-Carwo) oo ahayd Haweenaydii ugu horreysay Dumarka ku jira Fanka Soomaalida, taasi oo ku Geeriyootay Magaalada Hargeysa Khamiistii Toddobaadkan.

Marxuumad Guduudo-Carwo oo Labaatankii sannadood ee u dambeeyay u jiiftay Xanuun, ayaa Khamiistii Geeriyootay isla-markaana lagu aasay Caasimadda Hargeysa, waxaana aaska Marxuumadda ka qayb-galay Dadweyne tiro badan oo ay ka mid yihiin Bahda Fanka, Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Hoggaanka Xisbiga KULMIYE iyo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland.

Marxuumadda ayaa waxa Geerideeda Shacabka Soomaalida ka tacsiyadeeyay Abwaanno iyo Weriyayeel caan ah, waxayna Alle Marxuumadda uga baryeen inuu Naxariistii janno ka Waraabiyo, Ehelkii, Qaraabadii iyo Shacabka Soomaalida ee ay ka baxdayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

Abwaan Maxamed Aadan Dacar oo isagana Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du wax ka waydiisay taariikhda Fannaanadda Geeriyootay, ayaa sheegay inuu kaga war-qabay Gurigeedii ay labaatankii sannadood ee u dambeeyay xanuunka u jiiftay, markii u dambaysayna ay kula dardaarantay inaan heesihii ay qaadday iyo fankeedii aan la soo hadal-qaadin “Guduudo-carwo Alle ha u naxariistee, intii aanay Naftu ka bixin waxay ka tagtay dardaaran, waxay tidhi Heesahaygii iyo wixii fankayga ah ha iga soo hadal-qaadina..”

Ayuu yidhi, Abwaan Maxamed Aadan Dacar

Qoraa Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo ka qayb-galay aaska Marxuumadda Khamiistii loogu sameeyay Hargeysa, ayaa ka warramay qayb ka mid ah Taariikhdeeda, waxaanu sheegay in Shamis Abokor Ismaaciil (Guduudo-carwo) ay 1936-kii ku dhalatay Magaalada Conkor oo bariga ka xigta Magaalada Berbera, markaasi ka dibna la geeyay Magaalada Berbera, intaasi ka dibna ay ka mid ahayd Dadkii aasaaska u ahaa Warbaahinta Soomaalida, gaar ahaan qaybta Fanka. Boobe wuxuu sheegay in Alle ha u naxariistee Shamis Abokor ay dhul yaal ahayd illaa 1997-kii oo uu ku dhacay Xanuunka Faaliggu, gacantana ay ku hayeen laba Hablood oo ay Eddo u ahayd, maaddaama oo aanay iyadu Carruur lahayn “Labaatankaa sannadood ee ay jiiftay halkaas ayaanu ku booqan jirnay, waxay ahayd Qof ILAAHAY taqaana oo Iimaankeedu buuxo.” Ayuu yidhi qoraa sare Boobe Yuusuf Ducaale.

Abwaan Yuusuf Cabdulle Shaacir oo ka warramay waxa uu ka yaqaanay Shaqsiyadda Marxuumad Guduudo-Carwo ayaa yidhi “Waxay ahayd Qof dhowrsoon oo xishood badan oo Dadkan Maanta nool ka duwan, oo og inay aakhiro ku socoto.”

Abaanku waxa kale oo uu ka sheekeeyay dhacdooyin ay Marxuumadda lafteedu uga warrantay intii aanay Geeriyoon, kuwaasi oo ku saabsan waayihii fankeedu soo maray iyo xiisaha waxyaabaha layaabka lahaa ee ay la kulantay markii ay Idaacadda Radio Hargeysa ka qaadday Heesteedii ugu horreysay, waxaanu yidhi Abwaanku isagoo inooga warramaya “Alle ha u naxariistee Marxuumad Guduudo-Carwo waxay la joogtay gabadh ay Qaraabo ahaayeen, markaa iyada oo ka sheekaynaysa sidii ay Fanka ku soo gashay waxay sheegtay ‘in Maalin ay Gurigii ay joogtay yimaaddeen Niman dibedda ka yimid oo soo degay, dabadeedna waxa la iga codsaday inaan Shaah u kariyo, dabadeedna intii ay Shaaha karinaysay ayay isku maaweelisay Heeso ay Malaha Idaacadaha ka maqashay, dabadeedna waxay tidhi ‘Nimankii gudaha fadhiyey ayaa maqlay Codkaygii, Gabadhii aan la joogay ayay ku yidhaahdeen noogu yeedh Shamis, dabadeedna Gurigii ayaan soo galay, markaasaa la igu noogu celi heestii aad imika qaadaysay, dabadeedna Gu’ruun jire oo meesha fadhiyey ayaa la soo baxay Kaban, waxaanu la raacay Codkaygii, dabadeedna way is-qaateen Codkaygii, Midhihii heesta iyo Kabankiiba, markaas ayay Nimankii iska tageen.” Ayuu yidhi Yuusuf Shaacir, waxaanu intaa u daray isagoo soo xiganaya Sheekadii Shamis uga warrantay “Shamis waxay ii sheegtay in Nimanku ay hoos u wada hadleen Gabadhii aan Guriga la joogay, waxaana la isku afgartay Inanta (Shamis) aynu Idaacadda geyno, Maalin dambe ayay Raggii oo gaadhi wataa Guriga yimaaddeen, Gabadhii aan la joogay ayaa igu tidhi ‘Raggani alaab bay iigu kaa soo dhiibayaan ee raac, markaas ayay Idaacadda i geeyeen. Dabadeedna Xaaji Cabdi Ayuub ayaa Idaacadda iiga soo horreeyay oo sii sheegay inay Caawa heesayso Gabadh Magaceedu yahay ‘Guduudo-Carwo’ markii aan galay ayaa la igu yidhi ‘Marka Laydhkaa Cad shidmo waad heesaysaa, markaa Laydhkaa Cas shidmana waad joojinaysaa’, markii aan heestii dhameeyay ayaan ka soo baxay idaacaddii.

Abwaanku wuxuu Taariikhdaa ay Heestii ugu horreysay qaadday Shamis Abokor Ismaaciil (Guduudo-Carwo) ay ahayd 1952-kii, laakiin arrinta xiisaha leh ay ahayd in Shamis markii ay Idaacadda ka maqashay Gabadha heesaysa oo dabcan iyada ah, ay isku dayday inay soo Aragto Gabadhaa heesaysa, maaddaama oo Magaca ‘Guduudo-Carwo’ ee heesteedu Idaacadda kaga baxday markii ay Gurigooda ku noqotay ahaa Magac aanay isku aqoonin oo Weriye Xaaji Cabdi Ayuub uu Idaacadda ka sheegay ka hor intii aanay iyadu Istuudiyaha gelin, si loo qariyo Magaceeda dhabta ah, maaddaama oo Waalidkeeda iyo Dadka kaleba aanay ogolayn in Dumarku heesaan wakhtigaa.

Abwaan Yuusuf Shaacir oo Taariikhdan ka warramay, ayaa xusay in Shamis ay muddo ku mashquulsanayd inay Aragto Guduudo-Carwo iyada oo aan iyada isku haysan, illaa ay ogaatay in Qofka Dumarka ah ee Codkeedu idaacadda Radio Hargeysa ka baxaa iyada tahay, arrintaasi oo ay ogaatay markii la siinayey Mushaharkeedii koowaad.

Comments

comments

SHARE