Guddoomiyihii Kooxda Fanka ee Xiddigaha Geeska Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-saalax), ayaa markii u horreysay ka hadlay waxa sababay iyo sida uu u arko Xilka-qaadista ay Guddiga Fulinta iyo Xubnaha Kooxdu ku sameeyeen Axaddii Toddobaadkan, sida ay ku sheegeen War-Saxaafadeed ay ka soo saareen Shir ay isla Axaddii isugu yimaaddeen.

Abwaan Laab-saalax, waxa uu sheegay inuu jiro Culays dhinaca Hawlihiisa gaarka ah oo ku soo kordhay, isla markaana sababtay inuu sidii hore u sii wadi kari waayo hawsha Hoggaaminta Kooxda Fanka ee Xiddigaha Geeska, sidaa daraaddeedna uu isaguba hore ugu sheegay Kooxda, isla markaana aanu dhib u arkayn in xilka laga qaado, maaddaama oo uu ka mashquulay hawlihii hore ee uu Kooxda u qaban jiray.

Waxa uu Abwaan Laab-saalax ku dooday inuu hadda Xaaskiisa iyo Carruurtiisa oo Dalka Ingiriiska degganaa uu ka soo raray oo uu Hargeysa soo dejiyey, isla markaana bilaabay Waxbarasho Jaamacadeed, sidaa daraaddeedna aanu sii wadi karin Masuuliyaddii Guddoomiyennimada Kooxda Xiddigaha Geeska ee uu Salka u dhigay, isla markaana uu nolosha ka leeyahay aragti ka dheer in hammigiisa keliya Fanka ku koobnaado.

Comments

comments

SHARE