Somaliland: Xukuumadda Iyo Xisbiga WADDANI Oo Si Wada-jir Ah Hargeysa Ugu Soo Dhaweeyay Xildhibaanno Ka Socda Baarlamaanka Midowga Yurub

Waxa Magaalada Hargeysa lagu soo dhaweeyay laba Xildhibaan oo ka socda Baarlamaanka Midowga Yurub ee Xaruntiisu tahay Magaalada Baraasalis ee Dalka Biljamka.

Labadan Xildhibaan oo kala ah James Carver iyo Raymanta Finji oo Ingiriis ah, ayaa waxa Madaarka Diyaaradaha ee Hargeysa ku soo dhaweeyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda Kayser Cabdillaani Maxamed iyo Faadumo Siciid Ibraahim oo ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

Marwo Faadumo Siciid oo ugu horreyn hadallo soo dhaweyn ah ka jeediyey Madaarka ayaa tidhi “Waxaanu halkan ku soo dhaweynaynaa laba Xildhibaan oo Ingiriiska u jooga Baarlamaanka Midowga Yurub, mid waa Ninka Caanka ah ee Somaliland u dooda ee la yidhaahdo James Carver iyo Raymanta Finji oo ah Horjoogaha Midowga Yurub ee Barasalis. Waxaanu doonaynaa inaanu muujino in marka ay Aqoonsiga Somaliland tahay Mucaarad iyo Muxaafid waxaanu nahay Mid keliya, Qarannimada Somaliland waa Muqadas, waxaanu doonaynaa inaanu iyaga iyo Adduun-weynahaba tusno in marka Aqoonsiga Somaliland tahay inaanu mid keliya nahay Mucaarad iyo Muxaafidba oo aanu meel keliya u wada jeedno, sidii aanu Ictiraafkeena u heli lahayna aanu Geed dheer iyo mid gaabanba aanu u fuulo.”

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland Kayser Cabdillaahi Maxamed oo isaguna soo dhaweeyay Weftigan ayaa yidhi “Waxa farxad noo ah inaanu Dalka ku soo dhaweynayo Xildhibaannadan ka socda Baarlamaanka Midowga Yurub, kuwaasi oo Dalka Ingiriiska u jooga Baarlamaanka Midowga Yurub, markaa waxa farxad noo ah inay soo booqdaan Caasimadda Hargeysa.”

Wasiir ku-xigeenku waxa kale oo uu sheegay “Sida Marwo Aamina Faadumo Siciid tilmaantay marka ay timaaddo Aqoonsiga Somaliland waa Mid loo midaysan yahay, Xisbiyadu siyaasad ahaan way ku kala duwan yihiin, laakiin Somaliland ictiraaf-raadinteeda waa loo midaysan yahay. Xildhibaannadani waxay la kulmi doonaan Madaxweynaha hadda jooga iyo Madaxweynaha cusub ee la doortay”ayuu yidhi.

Comments

comments

SHARE