Somaliland: Siyaasi Ka Tirsan WADDANI Oo Farriin U Diray Madaxweynaha La Doortay, Ugana Digay Qabyaaladda

Siyaasi Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare) oo ka mid ah Xisbiga Waddani ayaa uga digey Madaxweynaha la doortay in madax-dhaqameedka iyo odeyaasha Qabiilku saamayn ku yeeshaan dhismaha Xukuumadiisa cusub.

Siyaasi Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ugu horreyn ka warramay dareenkiisa Madaxweynaha loo doortay JSL Md Muuse Biixi Cabdi, waxaanu yidhi “Anagu (Xisbiga Waddani) Mucaarid baanu nahay oo waanu hambalyeynay Madaxweynaha la doortay, waanu soo dhaweynaynaa oo waanu la shaqaynaynaa, waxaanan si gaar ah ugu hambalyeynayaa inuu dhinac isaga riixo madaxdhaqameedka iyo odeyaashii qabiilka la guurayey oo uu talada ciddii uu door bido iyo caqligiisa uu ku tashado, waxaanan ka rejaynayaa inuu noqdo Madaxweynaha Qaranka ee cid jecleyd iyo cid necbeyd ba, waxaana jeclahay in lagu qiimeeyo oo uu isaguna aanu ku talo galin Madax-dhaqameed yidhaa waanu taageersanahay iyo waanu ka soo horjeednaa inuu waxyaabahaasi uu inaga joojiyo, waayo Dalkan toddobadii sano ee u dambeeyay Qabyaalad iyo Musuqmaasuq ayaa aafeeyey, Madaxweynaha la doortay waa inuu inaga joojiyaa, si uu muddo xilleedkiisa labaad uu ku tartamo waxqabadka Xukuumadiisa ee aanu ku tartamin Madax-dhaqameed iyo qabaa’il”. Md Dhoollayare, waxa uu intaasi ku daray “Waxaanan aaminsanahay inay cid kasta oo Mucaarid ahi wax ugu qaban doonto xukuumadda uu soo dhiso iyo wax qabadkeeda, sidaasi ayuun baa uu taageero ama mucaaridnimo uu kala kulmi karaa, laakiinse waan u duceynayaa”.

Ugu dambayntii, Siyaasi Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare) waxa uu farriin u diray Madaxweynaha la doortay, waxaanu yidhi “Had iyo goor dalkan waxa dhinac xukunkiisa kaga jiray Niman Madax-dhaqameed, Odeyaal iyo dad kale, laakiin maanta waxaan aaminsanahay inaan looga sheekaynayn dadkan iyo dalkan Madaxweyne Muuse Biixi, waayo cid kasta wuu garanayaa haddii uu Muxaafid iyo Mucaarid uu ku ahaa iyo halka uu joogo iyo waxa uu ugu soo haggaagayo wuu garanayaa, markaa uma baahna odeyaal iyo madax-dhaqameed hebel u geeya, waayo ma aha Nin qurbe joog ah ee waa nin dalka muddadaasi ku sugnaa, oo dadkii garanaya oo la bilaabay oo aan filayo inuu yahay intii dalkan Madaxweynaha ka noqotay inuu yahay Ninkii ugu waayo aragsanaa ee dadka garanayey”.

Comments

comments