Somaliland: Madaxweynaha Somaliland ee la Doortay oo Shacabka ka Tacsiyadeeyey Dad ku Geeriyooday Shil Baabuur

Ruling party candidate Muse Bihi Abdi speaks to the media after casting his vote in the presidential election in Hargeisa, Somaliland, Nov. 13, 2017.

03 December 2017
TACSI: MADAXWEYNAHA LA DOORTAY

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha xisbul-xaakim KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee saddexda marxuum ee kala ah;
1. Ismaaciil Rashiid Cumar
2. Cabdifataax Maxamed Faarax
3. Axmed Maxamed Cabdillaahi
Kuwaas oo ku geeriyooday shil baabuur isku dhacday deegaanka Kalabaydh ee Gobolka Gabiley xalay oo taariikhdu ahayd 02/12/2017, kaas oo ay dad kalena ku dhaawacmeen.

Madaxweynaha la doortay waxa uu si gaar ah tacsi ugu dirayaa Marwo Hodan Axmed Cabdillaahi oo ah sarkaalad ka tirsan xisbiga KULMIYE oo hooyo u ahayd marxuum Ismaaciil Rashiid Cumar.

Ugu dambayntii Madaxweynaha cusub waxa uu Marxuumiintaas geeriyooday Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoysaska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo, sidoo kalena uu Alle caafimaad sareecan ah siiyo dadka kale ee ku dhaacwamay shilkaasi. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta Xisbiga KULMIYE

Comments

comments

SHARE