Somaliland: “Dastuurkayagu Kama Turjumayo Qaangaadhnimada Siyaasadda Somaliland [Waayo] Waxa La Sameeyay Xilli Uu Jiray Khilaaf Maxalli Ahi”

“Muuse Biixi waxa loo arkayaa hoggaamiye awood leh oo kor u qaadi doona isku-xukunka sharciga oo  la dagaalami doona musuqmaasuqa”

Nuxurka Warbixin Dheer Oo Lagu Daabacay shabakadda lafo-gurta siyaasadda caalamka ee World Politics Review oo Falanqaysay Arrimaha Sugaya in Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland

Megan Iacobini de Fazio oo ah suxufiyad madax-bannaan iyo qoraa fadhigeedu yahay bariga Afrika oo wararka u dirta warbaahinta caanka ah qaarkeed, gaar ahaan Al Jazeera iyo EL Pais, ayaa maqaal ka qortay dimuqraadiyada Somaliland iyo doorashadii madaxtooyada ee waddanka ka dhacday 13-kii November ee bishii la soo dhaafay. Waxay Suxufiyadani qormadeeda oo ku daabacday shabakadda lafo-gurta siyaasadda caalamka ee la yidhaahdo World Politics Review, Waxaanay maqaalkan ciwaan uga dhigtay; “Madaxweynaha cusubi Somaliland ma Gaadhsiin Karaa Aqoonsi caalami ah?.” Waxaana Warbixintan oo Weriye Cumar Maxamed Faarax Af-soomaali u turjumay u dhignayd sidan:

““Murrashaxii Madaxweynaha ee xisbal-xaakimka, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu dambayn la caddeeyay inuu noqday madaxweynaha Somaliland daboyaqaadii bishii hore,kadib markii ay siddeed maalmood qaadatay dib u tirinta codbixintii doorashada iyo wadahadallo albaabadu u xidhnaayeen oo dhexmaray isaga [Madaxweynaha), murrashaxii mucaaridka ugu cadcadaa iyo Guddida doorashooyinka qaranka. Imika Muuse Biixi (madaxweynaha la doortay) waxa uu waajahayaa inuu wax ka qabto caqabado badan oo horyaala Somaliland oo ay ka mid tahay inay noqoto qaran si buuxda u shaqeynaya oo ay aqoonsan yihiin caalamku.Doorashadii madaxtooyada waxay xaqiijiyeen goobjoogeyaashii maxaliga ahaa iyo kuwii caalamkuba inay u qabsoontay si xor ah oo xalaal ah. 24 saacadood kadib, markii la soo xidhay goobihii codbixinta 13-kii November, murrashaxii ugu muhiimsanaa ee la tartamayay Muuse Biixi ee mucaaridka gaar ahaan xisbiga WADDANI Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa cabasho ka muujiyay khaladaad, taasina waxay dhalisay mudaharaado sababay dhimashada dhawr qof iyo dhaawac, waxaanay abuurtay cabsi ah in xaaladu sii xumaan doonto. Komishanka doorashooyinka ayaa aqbalay inay dib u tiriyaan qaybo kamid ah codbixintii. Maalmo kadib, komishanku waxay shaaciyeen in Muuse Biixi uu ku guulaystay codbixintii 55%, halka murrashax Cirro-na uu helay 40%, Faysal Cali Waraabe oo ka socday xisbiga UCID, ayaa kaalinta saddexaad ku galay 4%. “Somaliland waxay ku dhaqantaa siyaasadda casriga ah iyo kuwa dhaqanka, waxaanay xalinta mawduucyada arrimaha siyaasadda ku furdaamisaa dhaqanka,”ayuu yidhi Agaasimaha Akaadamiga Nabadda iyo horumarinta ee Somaliland, Maxamed Faarax. Waxa kaloo uu hoosta ka xariiqay in nidaamka siyaasadeed ee Somaliland iskugu jiro hannaan ku salaysan beello iyo qaab-dhismeedka siyaasadda casriga ah labadaba, taasi oo ay awood u lahaayeen reer Somaliland inay ku xaliyaan wixii qulqulatooyin ah 26kii sannadood ee la soo dhaafay. Doorashadii ka dhacday Somaliland bishii November, waxa ka horyimid caqabado dib u dhigay, waxaa markii hore loo muddeeyay sannadkii 2015-kii. Hase ahaatee waxa dib loogu dhigay lacag la’aan, khilaafyo siyaasadeed iyo tabaaladii ay abaartu sababtay. Somaliland waxay qabatay doorashooyin badan illaa sannadkii 2001-dii oo afti loo qaaday dastuurka, waxaanay ahayd meel ka duwan Soomaaliya oo ay ka go’day, waxaa Somaliland lagu sifeeyaa inay tahay meelaha ugu nabdoon ee bariga Afrika ay ka jirto dimuqraadiyad shaqaynaysaa. Doorashadii madaxtooyadu muhiim umay ahayn uun xagga natiijada ee waxay ahmiyad u lahayd dhinaca nidaamka, in markale si nabadgelyo iyo dimuqraadiyad ah xukunka la iskugu wareejiyaa waxay calaamad u tahay xasiloonida iyo qaan-gaadhnimada siyaaasadda Somaliland. Inta badan dadka reer Somaliland waxay filayaan inay doorashadu xoojin doonto qaddiyadooda aqoonsi caalamiya oo ay helaan. Inkastoo ay gaadhay guulahaas cajiibka ah, haddana marka la barbar-dhigo jaararkooda Somaliland maaha mid aanay caqabado hor oolin. Guuleed Axmed Jaamac, Guddoomiyaha xarun xuquuqul-insaanka qaabilsan oo ku taala Somaliland, ayaa sheegay in xadgudubyada xuquuqda aadanaha la iska indho-tiray. Suxufiyiinta, Hoggaamiyeyaasha mucaaridka iyo ciddii naqdida siyaasadda dawladda, ayaa la xidhaa oo loo cagojugleeyaa. Ciidankii Booliska ayaa noqday sidii millatariga oo kale. Sidoo kale waxa xaddidan ka qaybgalka haweenka ee dhinaca siyaasadda. Somaliland waxay horusocod weyn ka samaysay taabogelinta dimuqraadiyadda, laakiin masuuliyiintu waxay awooda saaraan nabadgelyada, taasina waxay ka hor istaagtay inay wax ka qabtaan dhibaatooyinkii kale. Agaasimaha Akaadamiga Nabaddu, waxa uu ku dooday in xoriyaatka siyaasadda iyo madax-bannaanida garsoorku ay noqdaan qoddobada uu mudnaanta siinayo madaxweynaha cusubi. “Dastuurkayaga waxa la sameeyay xili uu jiray khilaaf maxali ahi, si ballaadhan ugama turjumayo qaangaadhnimada siyaasadda Somaliland,”ayuu yidhi Maxamed Faarax. Muddadii lagu jiray ololihii doorashada Muuse Biixi [Madaxweynaha la doortay], wuxuu balanqaaday inuu ilaalinayo xuquuqda haweenka, isla markaana uu kordhinayo ka qaybgalkooda siyaasadda. Waxa kaloo uu dejiyay qorshe uu ku quwaynayo madax-bannaanida garsoorka. Muuse Biixi waxa loo arkayay hoggaamiye awood leh oo kor u qaadi doona isku-xukunka sharciga isla markaana la dagaalami doona musuqmaasuqa.Madaxweyne Biixi waxa la gudboon inuu sameeyo dib-u-habayn siyaasadeed. Golaha Wakiilladu waxay soo shaqaynayeen illaa sannadkii 2005tii, waxaannu muddo xileedkoodu ku ekaa 2015-kii, halka aqalka sare ee Guurtiddu aanay wax doorasho ah gelin illaa 1997kii. Doorashada Baarlamaanka oo hore loo doonay inay mar la wada qabto tii madaxtooyada, ayaa khilaafyo ka dhashay sababeen in dib loo riixo illaa Bisha April 2019. Doorashada Biixi waxay qaabayn kartaa siyaasadda dibadda Somaliland, iyadoo murrashaxiintii kale ay shaki ka muujiyeen labadii heshiis ee muranka dhaliyay ee lala galay Imaaraadka carabta ee midna lagu ballaadhinayo dekedda Berbera iyo ka lagu aasaasayo saldhig millatari oo Imaaraadku ku yeeshaan Somaliland. Muuse wuxuu balanqaaday inuu tageersan yahay heshiisyadaas. Waxa kaloo uu ku dhawaaqay qorsheyaashiisa horumarinta cilaaqaadka ganacsiga ee ka dhexeeya dalka Itoobiya oo ay daris yihiin iyo sii hagaajinta xidhiidhka ay la leeyihiin Imaaraadka; “Isku-dheelitirka iyo masaalixda ay Somaliland la leedahay Itoobiya iyo danaha ay ka leedahay dalalka carabta ayaa caqabad noqon kara,”ayuu yidhi Maxamed Faarax, waxaanu intaas ku ladhay; “Siday arrintaas u waajahaan ayaa muhiim u noqon doonta mustaqbalka Somaliland.”

Warbixintan Waxa Turjumay, Warkanna Ka diyaariyey Weriye Cumar M. Faarax

Comments

comments

SHARE