Madaxweyne Muse Biixi oo Kulankii U Horreeyay La Yeeshay Madaxda Jaamicadaha Somaliland

Madaxweynaha loo doortay hoggaaminta shanta sano ee soo socota ee dalka Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa madaxda Jaamicadaha dalka kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada.

Ujeedada Kulankan iyo waxyaalihii lagaga wada hadlay ayaa Madaxda jaamicaduhu uga warrameen warbaahinta, Guddoomiyaha Jaamicada Camuud ee magaalada Borama Prof Saleebaan Cabdi Guuleed, oo ka hadlaya kulankaasi ayaa waxa uu yidhi “Madaxweynaha, waxaanu ka wada hadalnay arrimaha dalka oo dhan, waayo waa Dawlad cusub oo aad iyo aad loogu rejo  weynyahay, annaguna waxaanu ka soconay Jaamicadihii muhiimka ahaa ee Qaranka, markaa wixii talo nala tahay ee ah Qaranka, Waxbarashada iyo Gudaha Dibada ba, wixii talo ahna waanu is dhaafsanay, si fiicana waanu isku afgaranay Madaxweynaha, talooyinkii aanu usoo jeedinayna wuxuu yidhi waan tixgelinaynaa, annaguna wixii aanu la qaban karno waanu la qabanaynaa”.

Intaasi kadibna, Prof Saleebaan waxa la weydiiyey inay Madaxweynaha la doortay ay ka codsadeen inuu Xubno kaga daro xukuumadda cusub ee uu soo dhisi doono, ayaa waxa uu ku jawaabay “Madaxweynuhu, awooda magacaabista isaga ayaa gaar u leh oo uu dastuurku siiyey, taladii dalkana isaga ayaa lagu ogyahay, markaa waxaanu ka fileynaa wanaag”.

Comments

comments