Somaliland: Qaramada Midoobey Oo Ka Hadashay Doorashadii Dalka Somaliland Ka Dhacday 13-kii Noofeember

Xafiiska Qaramada Midoobey ee UNSOM ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay taageero ka gaysato dib u bilaabista wada hadaladii Somailand iyo Somaliya,kadib doorashada madaxwaynaha jamhuuriyada Omaliland loo doortay Muuse Biixi Cabdi.

War-saxaafadeed uu xafiiska UNSOM ee qaramada midoobey soo saaray wuxuu ku sheegay inuu shacabka somaliland iyo madaxwaynaha la doortayba ku bogaadinayo doorashadii wanaagsanayd ee ka qabsoontay Somaliland 13-kii Noofember,waxaana war-saxaafadeedkani uu u qornaa sida tan.

“Hawl galka kaalmaynta Qaramada Midoobey ee Somaliya (UNSOM) ayaa ugu hambalyaysay mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka tirsan xisbiga  KULMIYE doorashadii lagu doortay madaxwaynaha Somaliland,taas oo ay xaqiijisay maxkamadda sare ee somaliland”.

Goob joogayaasha caalamiga ah iyo kuwa guduhuba waxay tilmaameen in geedi socodka doorashada iyo codayntuba ay guud ahaan u qabsoontay si nabad ah ayna kasoo baxday natiijo lagu kalsoonaan karo .

“UNSOM way soo dhawaynaysaa arrinkan,waxayna ku amaanaysaa hogaamiyayaasha siyaasadeed iyo  kuwa dhaqanka ee Somaliland sida ay u xaliyeen murankii la xidhiidhay doorashada ee soo if baxday .UNSOM waxay boorinaysaa maamulka xilka la wareegaya inuu sii wado horumarinta siyaasadda loo wada dhan yahay iyoxoojinta dimuqraadiyada somaliland,nabada iyo xasiloonida dadka reer Somaliland.

UNSOM waxay ku hanwayn tahay inay ka amba qaado xidhiidhka kala dhaxeeya Somaliland ee ku dhisan khariidadii  lagu heshiiyay ee Qaramada Midoobey ay ku kaalmaynayso Somaliland iyo qorshaha horumarinta Somaliland”.

Comments

comments