Jahawareer hareeyay furitaanka garoonka Bali ee Induniisiya

Safaf dhaadheer iyo jahawareer ayaa hareeyay furitaanka garoonka kaliya ee ku yaalla jasiiradda Bali ee dalka Induniisiya.

Garoonkaasi ayaa saddex maalmood xirnaa kaddib markii laga cabsaday in halkaasi uu ka dhaca folkaana.

Diyaarado dheeri ah ayaa ka hawlgalaya halkaasi si loo kala yareeyo dadka tirade badan ee dalxiisayaasha u badan ee halkaasi ku go’doonsan.

In arrintan xal laga gaaro ayaa waxa ay ku xiran tahay in la helo cimila wanaasgan maadaama haatan dabeylo xooggan ay bitinayaan dambas ka dhashay folkaanaha buurta Agung.

Mas’uuliyiinta dalkaasi ayaa wali isku dayaya in ay dadka ka dhaadhiciyaan in ay ka guuraan agagaarka buurta si ay uga badbaadaan masiibo halkaa ka dhacda.

Comments

comments

SHARE