Nin sun ku dhex cabay maxkamadda adduunka

Nin horey loogu xukumay dambiyo dagaal oo uu ka geystay Bosnia , haddane ay socotay dhagaysiga rafcaan uu ka qaatay xukunkaas ayaa si bareer ah sun ugu dhex cabay maxkamadda dhexdeeda magaalada Hague.

Ninkan oo lagu magacaabo Slobodan Praljak ayaa ka mid ahaa lix hoggaamiyeyaal militaro oo maxkamadda adduunka saaran.

20 sano oo xarig ah ayaa lagu xukumay sanadkii 2013-kii kadib markii lagu heley in uu dambiyo ka geystey magaalada Mostar.

Kadib markii uu maqlay in maxkamadda ay diiday rafcaankiisa ayuu yiri “waxaan cabayaa sun”.

Galas wax dareere ah ay ku jireen ayuu afka la aaday, kadibna uu cabay ka hor intii xaakimka uusan joojin dhagaysiga dacwada, islamarkaasna aanan loo yeerin gaadiidka gargaarka degdega ah.

Ninkan ayaa madax ka ahaa ciidammada Boosniyaanka dalka Croatia oo lagu magacaabo HVO, waxaana lagu eedeeyay in uu laayay muslimiin tiro badan sanadkii 1993-dii.

Comments

comments