Cabdicasiis Maxamed Samale Oo Duco raaciyey madaxweyne Muuse Biixi, Kana Ka Hadlay Warar uu sheegay Inay dad ka xun guusha xisbigiisiisu faafiyeen oo lagu sheegay khilaaf u dhexeeya isaga iyo Madaxwaynaha Cusub

Siyaasiga Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka tirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye, isla markaana halgankii ololaha doorashadii Madaxtooyada ee uu Musharrixii Xisbigaas Muuse Biixi ku guulaystay ee 13-kii bishan qabsoontay aad uga dhex-muuqday, ayaa sheegay inaanu wax khilaaf ah oo u dhexeeya ama soo dhex-galay isaga iyo Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Warkaas oo Baraha Bulshada dadka qaar ku baahiyeen Shalay, ayuu Samaale Been-abuur iyo Waxba-kama-jiraan ku tilmaamay.

Waraysi uu Cabdicasiis Maxamed Samaale Maanta isaga oo magaalada Hargeysa ku sugan siiyey Telefeshinka Eryal, ayuu ku soo bandhigay Talooyin, Hambalyo iyo Duco uu u jeediyey Madaxweynaha la doortay, waxaanu ku dooday inaanu jirin weerar afka ah oo uu Samaale ahaan Muuse Biixi ku qaaday iyo khilaaf soo dhex-galay toona.

 

Comments

comments