Somaliland: Halista Musuqmaasuqa Iyo Sicir-bararku Ku Hayaan Nolosha & Rejada Shacabku Ka Qabaan In Madaxweynaha La Doortay Ka Dhabeeyo Ballan-qaadyada Uu Wax Kaga Qabanayo

Musuqmaasuqa iyo Sicir bararka ayaa ah aafo halis ku ah nolosha iyo horumarka dadka iyo dalka Somaliland, sidaasi awgeedna haatan ah kuwo xadhkaha goostay oo mugdi sii galinaya mustaqbalkii dadka iyo dalka, haddii aan si mug leh wax looga qaban oo aan laga badbaadin ummadda.

Sidaasi awgeed Wargeyska Himilo, oo si toos ah ula socda xaaladda dadka iyo dalka ee ah heerka aadka u sareeya ee ay gaadheen Musuqmaasuqa iyo Sicir bararku, ayaa waxa uu qormadan si gaar ah ugu eegayaa, qorshaha uga meel yaalla iyo waxa laga filli karo Madaxweynaha loo doortay hoggaaminta shanta sanadood ee soo socota ee dalka Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ee ku aadan la dagaalanka Musuqmaasuqa iyo Sicir bararka.

Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka la doortay oo ku guuleystay 55% Codadkii laga dhiibtay Doorashada, ayaa haddii Alle yidhaahdo Madaxweynaha Xilka haya Md. Axmed-Siilaanyo xilka kala wareegaya 14-ka bisha dambe ee December, 2017-ka.

Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi oo ahaa Musharraxa keliya ee aan qurba-joog ahayn isla-markaana 27-kii Sannadood ee u dambeeyay aan Dalka dhinacna uga bixin, ayaa waxa Xukuumaddiisa Hor-yaalla Caqabado badan oo la doonayo inuu ka dabbaasho, markaasi ka dibna u gudbo fulinta ballan-qaadyadii uu Dadweynaha u sameeyay ee uu Codkooda ku kasbaday.

Sidaasi Darteed, Wargeyska Himilo wuxuu Akhristayaashiisa u soo gudbinayaa laba qodob oo ka mid ah Caqabadaha waaweyn ee Dalka yaalla, Dadweynaha Reer Somaliland-na doonayaan inuu wax ka qabto Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi, kuwaasi oo uu intii ololaha Doorashadu socday isaga laftiisa faahfaahin ka bixiyey siduu doonayo inuu wax uga qabto.

SICIR BARARKA

Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Shacabka Somaliland ka filayaan inuu wax ka qabto Sicir-bararka Lacagta Dollarka oo dabcan saamayn weyn ku leh quutal-darruuriga iyo weliba Qiimo-dhaca Shillinka Somaliland.

Shacabka Somaliland oo la nool duruufo kala gedisan oo dhammaantood u baahan in gacan Dawladeed wax lagaga qabto, ayaa Sicir-bararka Lacagta Dollarku ka mid tahay kuwa ugu waaweyn ee Culeyska ugu badan ku haya.

Gaar ahaan, Shaqaalaha Dawladda, Ciidammada qalabka sida iyo Dadka Muruqmaalka ah oo dhammaantood Mushaharkooda ku qaata Lacagta Somaliland, ayaa Lacagta dollarku qirin-qiir gelisay Noloshooda.

Tusaale ahaan, Qofka Shaqaale Dawladeed ah ama Askariga qoyskiisu ku nool yihiin Guri laba Qol ah, waxa adag in Halka Milyan ee Lacagta Somaliland ahi ka bixiso Kirada Gurigaa, maaddaama oo Sicir-bararka Dollarku gaadhay in Boqolka Dollar lagu kala sarrifto Lacag ka badan Hal Milyan oo Shilin. Culayska noocan ah oo ay wada qabaan inta badan Dadweynaha reer Somaliland, ayaa ah caqabadaha taagan ee haddii Madaxweynaha cusub uu wax ka qabto loo aayi doono.

Muuse Biixi, waxa uu 22-kii bishii tobnaad ee 2017, Isagoo Fagaaraha Beerta Xorriyadda ee Magaalada Hargeysa kula hadlayey dadweyne aad u tiro badan waxa uu u jeediyey Qorshaha Xisbigiisa uga yaalla Xal u helidda Sicir-bararka haddii Shacabku u doortaan Madaxweynaha Somaliland ee Shanta Sannadood ee soo socda, waxaanu

Muuse Biixi Khudbaddiisaa ku sheegay in dhibaatooyinka uu Sicir-bararka Lacagta iyo Maceeshadda lagaga bixi karo, waxaanu yidhi  “Walaaleyaal, Maanta dhibaatada inna haysataa waa Dhaqaale-xumo, Faqri iyo Sicir-barar, kaga bixi kari mayno innaga oo isku dhalleecayna, ee waxaynu kaga bixi karnaa innaga oo shaqeyna oo Cuntadeena la soo baxna. Walaaleyaal Deraasad la sameeyay Cuntada aynu Sannadkii u baahan nahay waa 432 Kun oo Tan, intaa waxa laga soo saari karaa haddii Lixda Gobol ee Dalka Mid walba la qodo 15KM oo Dhulkiisa ka mid ah, dabadeedna waxaynu noqonaynaa Dal Cuntadiisa la soo baxa. Walaaleyaal ma horumaro Dal Cuntadiisa oo dhan soo dhoofsada.”

Waxaanu intaasi uu ku daray in Dalalka Cuntadooda la soo baxay uu Sannad walba Dhaqaalahoodu kobco oo uu kor u socdo, “Itoobiya 10% ayuu dhaqaalaheedu kobcayaa, wuxuu u kobcayaa Cuntadooda ayay la soo baxeen, Ruwanda Dhaqaalaheedu wuxuu kobcayaa 9%, sababtuna waxa weeyaan Cuntadoodii ayay la soo baxeen, Hindiya iyo Shiinuhu waxay halkaa ku gaadheen Cuntadoodii ayay ku filnaadeen.” Sidoo kalena, waxa uu sheegay “Ma dhici karto Caalamka (Inuu horumar gaadho), Dal soo waarida Caano-maraaciga iyagoo leh Xoolaha u badan (in Dhaqaalahoodu kobco), Xoolaha u badan ayaynu leenahay, Adhiga u badan ayaynu leenahay, Geela u badan ayaynu leenahay, haddana waxaynu soo dhoofsanaa Caano-maraaci iyo Caano-boodhe, Carruurteena ayaad ka aragtaa gaajada haysa, Xattaa Dhererkoodii ayaa gaabtay, Xattaa Araggoodii-baa isbeddelay, waa Nafaqo-darro” intaasi kadibna, waxa uu ku dhawaaqay ballanqaadkan “Haddii Alle yidhaahdo, Xukuumadda oo KULMIYE haddii Alle keeno, Sannadka u horreeya Dadka Xoogga leh oo dhami waxay ku dhaqaaqi doonaan inaynu Gobol walba 15KM beerno oo aynu Cuntada la soo baxno, inaynu Xoolaha dejino oo aynu Beero u samayno, oo Xoolaha iyo Abaarta haysata aynu kala duno, oo Abaarta aynu Keyd uga samayno Xoolaha. KULMIYE aqbali-maayo Dhulka Xoolaha loo keydinayo inay kooxi sheegato oo ay tidhaahdo Annagaa leh oo ay Qori soo qaadato, oo ay Qaranka gaajo ku disho, dhici mayso in Qof Kiiloo Mitirro ooto, Xoolaheenuna lee’daan.”

MUSUQMAASUQA

Qodobka labaad ee ka midka ah Caqabadaha waaweyn ee Muuqda isla-markaana u baahan in si Deg-deg ah uu wax uga qabto Madaxweynaha la doortay iyo Xukuumadda uu soo dhisayo, ayaa ah Musuqmaasuqa ay ku kacaan Masuuliyiinta Dawladda.

Xukuumadda Muddo-xileedkeedu dhammaaday ee Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa si aad ah loogu dhaliilaa in Muddadii ay talada haysay in uu Dalka ka dhacay Musuqmaasuq. Musuqmaasuqan ayaa loo sameeyay Siyaabo kala duwan, Tusaale ahaan Masuuliyiin Xukuumadda ka mid ah ayaa Awoodda Dawladda uga faa’iidaystay Dano gaar ah, sida inay si Shaqsi ah u isticmaalaan dhaqaalihii ummadda wax loogu qaban lahaa iyo inay si shaqsi ah u qaataan Hantidii guurtada iyo ma-guurtada aheyd ba, iyo waliba ku tagri falka awoodeed, waxaana la sheegaa in waliba raadadka arrimahaasi qaarkood la tirtiray si aanu u dhicin la xisaabtan ay Mustaqbalka la kulmi karaan.

Musuqmaasuqa, ayaa ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee u baahan in Madaxweynaha la doortay si adag wax uga qabto. Sidaasi awgeed, Muuse Biixi marar badan ayuu si adag uga hadlay halista uu musuqmaasaqu u leeyahay dadka iyo dalka, isla-markaana waxa uu muddadii uu ololaha doorashada ku gudo jiray uu ummadda u ballanqaaday inuu la dagaalami doono musuqmaasuqa nooc kasta oo uu yahay, waxaana xusid mudan in arrintaasi ay ku caddahay barnaamij siyaasadeedkii Xisbiga Kulmiye bulshada u soo bandhigay ee uu ku helay codka ugu badan ee dadweynaha.

Haddaba, Madaxweynaha loo Doortay JSL Md Muuse Biixi Cabdi ayaa saddex cisho ka dib guusha uu ka gaadhay Doorashada, oo ku beegnayd shalay ayaa kulan uu la yeeshay Guddiyadii Ololaha Doorashada Madaxtooyada ee Xisbiga Kulmiye, waxa uu  tilmaamay sida ay uga go’an tahay inuu la dagaallamo dhaqannada waxyeellada ku ah dawladnimada iyo hantida Qaranka ee uu ka mid yahay musuqmaasuqu oo sheegay inuu ku adkaysan doono xattaa haddii uu ku waayayo dad hore u taageersanaa, waxaanu yidhi, “Islaanta miyiga joogtaa waxay doonaysaa biyo, tacliin iyo caafimaad…. dadka marka la yidhaahdo cashuurta bixiyana waxay odhanayaan waa musuq oo waad cunaysaan ee maxaanu idiin siinaynaa dadka waxba u qaban maysaane, Dawladdana haddii inta u sareysaa iskula dhici weydo musuqa oo ay odhan weydo innagii baa wax wadna ku yar oo la qabto oo keliya waxba tari maayo, eexda haddii la macneeyo islama garanayno, musuqa iyo hufnaanta islama garanayno, waxa Qaranka aan ka doonayo islama garanayno, waxa Qaranka yaalaba haddii aan reer qudha u dhiibo ma raalli gelin karayo, waanay i sugaysaa berri fartaydii eedayeey oo khasaarayeey, taa anigu diyaar baan u ahay, laakiin waxay dhibi doontaa Raggiina mustabaqlka doonaya inay xisbiga iyo siyaasadda sii galaan, waa xal aynu u baahannahay in aynu helno, waar fartaada eed waayo, iimaad dooran inaan taad doonayso kuu yeelo.”

Madaxweynaha la doortay wuxuu iftiimiyey inaan la isla fahamsanayn waxa laga doonayo Dawladda la soo doorto “Waxay ila tahay wax badan baynu u baahannahay Qaranku inuu isla fahmo, wax badan bay tahay in aynaan isku qarin oo ka xishoon, waayo waxaynu isku qarinaa wuu innagu qarxayaa,” ayuu yidhi Madaxweynaha la doortay ee JSL Md Muuse Biixi Cabdi

Ugu danbayn, Akhristayaal Wargeyska Himilo waxa uu qormadan ku soo gunnaanadayaa in loo baahan yahay in shacab iyo dawlad la iska kaashado sidii loo cidhib-tiri lahaa Musuqmaasuqa iyo Sicir-bararka ragaadiyey horumarkii dadka iyo dalka, isla-markaana waxa habboon in Bulshadu arrintan kula xisaabtanto xukuumadda cusub ee dhallan doonta ee ay doorteen.

Comments

comments