Somaliland: Wasiiradii Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo Oo Buux Dhaafiyay Guriga Madaxwaynaha La Doortay + Xod-xodosho Xil Doon

????????????????????????????????????

Kadib markii lagu dhawaaqay natiijadii doorashada madaxtooyada Somaliland ee dalka ka dhacday 13-kii Nofember,isla markaana uu ku guulaysteen murrashaxiintii ka sharaxnaa xisbiga KULMIYE ee Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici,waxa dalka ka bilowmay u diyaar garowga xukuumadda cusub ee uu soo dhiso madaxwaynaha la doortay,iyaga oo ay si wayn guclo orod guud ahaan wasiiradii xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ee xilka ka dagaysa,kamid noqoshada xukuumadda la dhisayo ,waxa sidoo kale Hargeysa isku soo gurey Salaadiinta iyo madax-dhaqameedka Beelaha Somaliland,kuwaas oo xil iyo mansab raadis u ah masuuliyiin ay wataan.
Waxa maalmihii u danbeeyey guriga madaxwaynaha la doortay ee Hargeysa ku yaala hor tuban oo soo buux dhaafiyay masuuliyiin xil raadis ah oo ayug badan yihiin wasiiradda hadda jooga,kuwaas oo mid kaste uu doonayo in lagu daro kana mid noqdo xukuumadda cusub ee uu soo dhisayo madaxwaynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi.
Dhinaciisa madaxwaynaha cusub ee la doortay waxa uu ku mashquulsan yahay inuu soo dhiso xukuumaddiisa.
Salaadiinta iyo madax-dhaqameedka beelaha Somaliland ayaa iyaguna dhankooda isku soo shubay magaalada Hargeysa,iyaga oo madaxwaynaha la doortay mid kaste ka sugayo in beelaha ay kasoo jeedan xilal iyo boosas laga siiyo xukuumadda cusub ee uu dhisay Muuse Biixi Cabdi madaxwaynaha ladoortay.Waxaana salaadiintan qaarkood ay gacanta hayaan masuuliyiin xilal ka qabtay xukuumadda hadda xilka kasii dagaysa ee madaxwayne Siilaanyo iyo wajiyaal cusub oo aan lagu arkin saaxadda siyaasadda.
Waxa sidoo kale cidhiidhi galay hudheeladii magaalada Hargeysa oo ceeryoon noqday,kasdib markii ay soo buux dhaafiyeen salaadiin,masuuliyiin iyo dad kale oo xilal ka rajicinay xukuumadda cusub.
14-ka bisha Diiseember ayaa madaxwaynaha cusub ee la doortay Muuse Biixi Cabdi uu xilka kala waareegi doona madaxwaynaha xilka kasii dagaya Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo’,waxaana ay bulshada Somaliland isha ku haysaa nooca ay noqon doonto xukuumadda uu soo dhisaa iyo wasiirada ku jiri doona inay noqdaan kuwa hadda xilalka ka haya xukuumadda xilka kasi dagaysa iyo inay noqdaa wajiyaal ku cusub saaxadda siyaasadda.

Comments

comments

SHARE