Somaliland: Boobe Yuusuf Du’caalle Oo Ka Warammay Taariikhda Marxuum Axmed-Yaasiin Xaaji Axmed Gabbi-xadi Ee Maanta Hargeysa Lagu Aasay

Qoraa Boobe Yuusuf Ducaalle ayaa ka sheekeeyey taariikh nolaleedkii marxuum Axmed Yaasiin Gabi-Xadi, Marxuumka waxaa uu ku sifeeyey shakhsiyaadkii ka qeyb qaatay dib u dhiskii iyo taabo galkii jamhuuriyadda Somaliland.

Qoraaga oo ka waramaya Marxuumka Taarikhdiisa wuxuu hadalkiisa ku bilaabay sidan: “ marxuum Axmed Yaasiin Gabi Xadi waxaa uu ka mid ahaa raggii xasaska iyo xaabadda usoo guray majaalkan caafimaadka ah ee Somaliland waayihii lagu jiray gumaysigii ingiriiska isagoo ka shaqeyn jiray magaaladda ceerigaabo oo [Deresar]kalkaaliye caafimaad ahaa, baryahaa soo kale may ahayn Deresaraddu kalkaaliyayaashu kuwa imaka oo kale ee darajooyin bey lahaayeen, sida xadhig layaasha militariga ama bileyska ama xadhig layaasha bayloodada diyaaradaha wada ee garabka ku xidha labada xadhig ama saddexda. Axmed yaasiin ceerigaabo ayuu ka shaqeyn jiray dhawr iyo afartanaadkii iyo kontanaadkii, markii dambe hargeysa ayuu u soo wareegay hawshii kalkaaliyaha caafimaadka ayuu in badan ku jiray markii dambena waxaa uu furtay tukaanka lagu iibiyo dawooyinka [pharmacy} oo ahaa pharmacy-yaddii ugu horeeyey. Axmed yaasiin Gabi Xadi waxaa kaloo uu galay nolosha ganacsiga Somaliland ama markii Soomaaliya laysku jiray Gobolladii Waqooyi, waxaa kaloo uu aad u dhex galay oo qeyb laxaad leh kasoo ciyaaray nolashii siyaasadeed ee Gobaladii Waqooyi isagoo ka tirsanaan jiray Xisbigii SDU Somali Democrat Union.”

Qoraa Boobe waxaa ka sheekeyey Axmed Yaasiin iyo Abwaan Cabdilaahi Suldaan Timacadde sida ay isku ahaayeen iyo inuu qoraagu uu ka faa’iiday taariikh badan oo aannu isagu hayn kana dhaxlay sugaan faro badan oo Axmed Yaasiin uga warammay waxaanu yidhi: “Axmed Yaasiin Waxaan in badan ka dhagaystay oon ka maqli jiray taariikhdii Cabdilaahi Suldaan Timacadde oo xisbiga SDU gabayaa u ahaa, afayeen-na u ahaa iyo Xisbigii SNL oo xornimo doon ahaa, Axmed Yaasiin waxaa uu inbadan iga waramay waayihii ay soo wada mareen Abwaan Cabdilaahi Suldaan Timacadde anigoo Abwaanka gabayadiisa wax badan ka qoray, in badan dhuuxay, inbadan-na ka fahmay fikirkiisi iyo shakhsiyadiisu waxay ahayd, Anigoo fursad aan u helin Cabdilaahi Suldaan Timacadde intii uu noola waxa ka dheehday oon ka dhagaystay fikirkiisii iyo qiyamkiisiba, akhlaaqiyaadkiisi iyo bir ma gaydadiisii waxaan ka dheehday alla haw naxariistee Axmed Yaasiin.

Ugu dambeyntii waxaa uu qoraa Boobe waxaa uu marxuunka ku sifeeyey in uu ka soo qeyb qaatay dib udhiskii iyo isu soo dhawayntii umadda reer Somaliland waxaanu illahay uga baryey in uu jannada fardawsa geeyo, qoyskii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo: “Axmed Yaasiin waxaa uu ka mid ahaa raggii sida weyn uga qeyb qaatay dib u heshiisiintii iyo isku keenidii umaddan reer Somaliland, waxaanen illahay uga baryayaa jannatul fardawsa, samir iyo iimaan-na inaga siiyo dhammaan umadda reer Somaliland, gaar ahaanna qoyskii uu ka baxay.” Intaas ayuu ku soo koobay taariikhdii Marxuunka

Comments

comments