DegDeg: Siyaasi Caan Ah Oo Ka Tirsan Xisbiga Waddani Oo Imika Hablayo Iyo Bogaaadin U Diray Madaxweyne Muuse Biixi

DegDeg: Siyaasi Caan Ah Oo Ka Tirsan Xisbiga Waddani Oo Imika Hablayo Iyo Bogaaadin U Diray Madaxweyne Muuse Biixi

”Haddii doorashada aanu waynay dalka iyo dadka waayimayno diinta iyo dadnimaduna nama fareyso dhiig qubashadi iyo qalalaase qaran garowshiyahaaga guul~daraddu waa astaanta gobonimadda”

Marxallada noocan oo kale marka uu dalku galo waxaa ila gudboon inaanan il siyaasadeed wax ku eegin ee il Samatalisnimo iyo kaalin dhex dhex~dhexaadnimo oo waayeel umadda u istaago. Ma jecli in dhiig umaddeed iyo hanti umaddeed gacantayda iyo ta xisbigayga ku burburto, ma jecli in qarankan sabab aan leenahay ku dumo, ma jilci in cunfi, cuqdad, iyo caadifad aan ku abuurno shacabka dulman ee lagu adoonsanayo Ilaahnimada qabyaaladda.

Taageere kasta oo xisbiga waddani ah waa inu illaaliyaa xasilloonida dal iyo nabadgalyadiisa. Nabaddu waa ta keentay tartanka doorashada, xisbiyadda, musharaxiinta iyo qarannimada haddii la waayo dalkana waa la waayey! Xaqqa iyo xuquuqda xisbi kaste leeyahay waa inuu sifadda sharcigan u maraa laakin aqbalimayno nabadgalyaddu iney faraha ka baxdo oo xaalad xun dalkani galo.

Comments

comments

SHARE