DegDeg: Amb Ahmed Safiina oo Hambalyo u Diray Kulmiye iyo Komishanka Lana Dardaarmay Taageerayaasha Waddani

Gari laba nin kama wada qosliso sharaftu waxay ku jirtaa qadashada gartaad xaqa u leedahay Raganimadu maaha dafirka xaqiiqada ee waa ka faaidaysiga xaqiiqooyinka ku soo maray iyo sixida qaladaad kii kaa dhacay.

Ciziga iyo sharaftu waxay ku jirtaa inaad dhiiri galiso dhalinyarada aad soo wada shaqayseen ee afkaartu idin kulmisay, Maaha Marka lakufo inaad canaanato ee waa inaad garbaha qabato ood u diyaariso Tartamada soo socda

Waxaan hambalyay nayaa dhamaan dhalinyarada Somaliland eenu ku saaxiibnay afkaarta Xisbiga WADDANI saaxiibayaal dunidu May dhamaan ee u diyaar garooba tartamo kale oo ka adag kan hada Ina soo maray

Ololihii iyo doorashadii Somaliland intii uu socday waxaan maray dhamaan gobalada Dalka Awdal mooyee waxaan xaqiiqsaday in albaaka qabyaaladu aad iyo aad u wayn yahay dalkeenan curdinka ah

Ugu dambayn Waxaan HAMBALYO leeyahay una ducaynayaa kumishinka doorashooyinka Qaranka Shaqaday Somaliland u hayaana walaahi ilaahay ayuunbaa og culayska saaran nin kii arkay ayuun baa garanaya ilaahay xaqa haydin waa fajiyo cadaalada sheega akhiro iyo aduunyo aakhiraa badan waa laydin aaminay waadna dhaarateen xaqiiqadana sheega noocay doonto ha noqotee

QARANKA SOMALILAND AYAA GUULAYSTAY

Amb Ahmed Safiina
Xoghayaha Xidhiidhka Dawladaha Carabta iyo Waddamada Islaamka ee Xisbiga WADDANI
Kumishinka doorashooyinka Hargaysa

Comments

comments