Somaliland: Kormeerihii WADDANI U Qaabilsanaa Goobaha Cod-bixinta Doorashada Ee Gabiley Oo Meesha Ka Saaray Ku Shubasho Xisbigiisu Sheegay Inay Gobolka Ka Dhacday

Ciise Sheekh Muxumed Warsame oo ka mid ah Saraakiisha Xisbiga WADDANI ee Gobolka Gabiley isla-markaana ahaa Kormeerihii guud ee Xisbiga u qaabilsnaaa Gobihii Cod-bixinta Doorashada Madaxtooyada, ayaa ka hadlay Shaki uu Xisbigiisu geliyey Daah-furnaanta Codadkii laga dhiibtay Hargeysa iyo Gabiley.

Ciise Sheekh Muxumed Warsame oo Xalay Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Gabiley, ayaa isaga oo daba socda hadallo Hoggaanka Xisbiga WADDANI ku sheegeen inay doonayaan in dib loogu tiriyo Codadkii laga dhiibtay Hargeysa iyo Gabiley oo ay Shaki ka muujiyeen in lagu shubtay oo Xisbi kale Codad dheeraad ah loogu guray Sanaaduuqda, wuxuu sheegay in isaga oo qaabilsanaa Kormeerka Goobihii Cod-bixinta aanu wax khalad ah oo keeni kara Shaki ku shubasho arag muddadii Hawsha Cod-bixintu socotay.

Ciise Sheekh Muxumed oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan ka hadlayaa Hadallada soo baxay ee ah in lagu shubtay, Walaalayaal Sanduuq walba wuxuu lahaa tiro cayiman oo lagaga codaynayey.  Tusaale ahaan, Sanduuqa ‘Waddada Godka’ tiradiisu waxay ahayd 614, waxa soo hadhay oo aan la codaynin 108 Kaadh, haddii la leeyahay taasaa lagu shubtay (Kaadhadhka soo hadhay) waa Macno, haddii 614-kaa wax saa’id ka ah laga helana waa waxaan qabanin, markaa in Xisbiga la qanciyo ayaan u soo jeedinayaa Komiishanka.”

Ciise Sheekh Muxumed Warsame wuxuu sheegay inaanu Arag Waraaqaha uu Xisbigiisu sheegay in ku shubasho loo isticmaalay “Waxaan maqlayey Waraaqo la leeyahay waalla soo daabacday oo waa lagu shubtay, laakiin Anigu intii aan Kormeerka ku jiray ee aanu Goobaha Cod-bixinta ee Gabiley joognay kumaan arag. Markii la tiriyey, Shan kun iyo dhowr Boqol oo Waraaqood ayaan lagu codaynin (oo soo noqday), haddii la leeyahay kuwaas ayaa lagu shubtay (waa Macno)..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in hadalka Hoggaanka Xisbiga WADDANI ku sheegay in Codadkii Gabiley lagaga shubtay ay taabanayaan isaga iyo Bulshada Gobolka “Wax way xumaan karaan, wixii Sanduuqa Gudihiisa ah waxa ka garnaqaya Komiishanka, laakiin haddii la leeyahay way ku shubteen, Shicib ahaan iyo Xisbi ahaan Annagaa soo galayna. Annagu marka horeba Annaga oo Muuse Biixi la qabiil ahayn ayaanu ka raacnay WADDANI, laakiin hadalkaa Macnahiisu wuxuu noqonayaa Ciddii Wakiilka u ahayd Xisbiga ayaa kula heshiisay oo ugu shubtay KULMIYE.”

Sheekh Ciise Sheekh Muxumed Warsame ugu dambayn wuxuu sheegay “Codka ugu badan ee Xisbiga WADDANI ka helay Magaalada Gabiley Gudaheeda, ninkii uga ololeeyay waa Aniga.” Ayuu yidhi.

Comments

comments