Somalia: “Dad Badan-baa I Soo Waydiinaya Inaan Geeriyooday..” General MORGAN

Taliyihii Qaybta 26-aad ee Ciidammada Milletariga ee Dawladdii Soomaaliya General Maxamed Siciid Xirsi (Morgan), ayaa beeniyey War ku saabsan inuu Geeriyooday oo Doraad lagu baahiyey Baraha Bulshadu ku wada xidhiidho ee Internet-ka.

General Morgan oo Xilligan ku nool Qurbaha, ayaa waxa doraad Bar uu Telefiishanka Dawladda Soomaaliya ee SNTV ku leeyahay Internet-ka waxa lagu baahiyey inuu Geeiryooday, laakiin Morgan oo Shalay iska soo duubay Muuqaal uu Warkaasi kaga hadlay wuxuu ku beeniyey inuu Geeriyooday, Qof kastana uu Geeriyoonayo marka Wakhtigiisu dhamaado.

Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) oo aad uga niyad-jabsan Warka lagu sheegay inuu Geeriyooday, ayaa muuqaalka uu iska soo duubay ku yidhi “Dad badan baa i soo waydiinaya inaan Geeriyooday, ka dib markii warkaa lagu qoray Facebook. Waxaan leeyahay taasi (Geeridu) Dadka way wada sugaysaa oo waa Waddo loo wada socdo, laakiin ilaahay ayay ku xidhan tahay Qof walba xilliga uu Geeriyoonayo, nin walbana Camalkiisa ayaa sugaya, Nin walbana waxa laga sugayaa Camalka uu la tagayo aakhiro”

Morgan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inaanu ka dacwoonayn baahinta Warka lagu sheegay inuu Geeriyooday, laakiin uu ehelkiisa u lab-qaboojinayo “Kama Dacwoonayo Dadkan wax walba iska sheegaya, laakiin waxaan u sheegayaa Dadka Ehelada ah ama Dadka Soomaaliyeedba meel ay joogaanba inaan Caafimaad-qabo..”ayuu yidhi.

Morgan oo ka mid ahaa Saraakiishii ugu awoodda badnaa ee Dawladdii Maxamed Siyaad Barre, ayaa Dambiyo waaweyn ka galay Shacabka reer Somaliland Xilligii uu ahaa Taliyaha Qaybta 26-aad ee Ciidammada Milletariga ahaa ee Dawladdaasi, kuwaasi oo fadhigoodu ahaa Hargeysa.

Comments

comments

SHARE