Sawir Gallaaftay Haweenay Uur Leh Oo Isku Sawirtay In Ka Badan 20 Kun Oo Shinni Ah !

Sida xaqiiqada ah waxa muddooyinkan dambe guud ahaan dunida ku badan amase ka caan baxay odhaahda ah “Igu sawir”, taasi oo ah mid ay dad badani u adeegsadaan sawiro halis galiya naftooda ujeedada ay ka leeyihiina ay tahay inay ku faafiyaan baraha bulshada.

Haweenay uur leh oo u dhalatay dalka Maraykanka gaar ahaan Gobolka Ohaio ayaa oo dhaqata shinnida ayaa waxay sawir la gashay shinnidaasi ay dhaqatay, haweenaydan oo magaceeda la yidhaahdo Emili Molar ayaa waxay isku sawirtay in ka badan 20 kun oo xabo oo shinni ah, Emili oo ah haweenay uur laheyd ayaa waxay shinnidaasi gallaaftay nolosha ilmihii yaraa ee ay uurka ku siday waxa aanay arrintaasi ogaatay kadib markii ay dhakhtarka u tegtay si ay usoo ummusho, taasi oo ay dhakhaatiirtii u sheegeen in ilmahaasi yar isagoo uurka ku jira uu geeriyooday lix maalmood ka hor xilligii uu dhallan lahaa, waxaana arrintaasi loo aaneeyay sawirkaasi ay shinnida badan la gashay, shinnidaasi oo caloosha inta ugu badan kaga ururtay Emili markii ay sawirkaasi la galaysey, Emili ayaa sawirkaasi ku bandhigtay Facebook, waxaanay haatan soo dhigtay qoraal ay ku shaacisay in ilmihii uurka ku jiray ee dhintay isaga oo aan soo dhalan sababtuna ay noqotay sawirkaasi.

Comments

comments

SHARE