Ka Digtoonaw Oo Ha U Isticmaalin Weedhahan Oo Kale Qofka Diiqadeysan !

Diiqadu waa arrin aad u adag isla markaana in qofka diiqadoodaa uu la qabsado

Dadka kale ayaa iyana aad u adag.

Khabiirka dhinaca Cimi nafsiga ee Rick Sharp ayaa waxa uu barta Healthista ee lagu faaleeyo arrimaha caafimaadka kusoo bandhigay talo uu usoo jeediyay ciddii ku xeeran amase ka ag dhaw qof diiqadaysan ama caadaystay diiqada waxaanu Mr Sharp kula taliyay dadkasi in aanay marnaba eryadan hoos ku xusan aanay u adeegsan, sababta oo ah adeegsigoodaasi waxa uu qofka diiqadaysan kor ugu sii qaadayaa diiqadaasi marka uu maqlo.

  1. Fikirka badan iska daa oo fikirkaaga soo koob, waa hadal aad halis ugu ah qofka diiqadaysan, sidaasi awgeed ma habboona inaad ku tidhaa.
  2. Waan ku fahmay: waa eray aad niyad jab ugu ah qofka diiqadaysan.
  3. Waxaad u baahantahay inaad soo yara laydhsato.
  4. Wax kasta dhinaca wanaaga ka eeg.
  5. Iska yaree cannaanta aad mar walba naftaada cannaanayso.
  6. Sidee ayaad u dareemi kartaa diiqad adigoo xaas iyo qoys iyo shaqo wanaagsan haysta.
  7. Waxaad diiqada kaga bixi kartaa waa jimicsiga.
  8. Aniguba waan dareemi jiray diiqada, laakiin waan ka guuleystay.
  9. Imika waad diiqadaysantahay waan kaa tegayaa waxaan kugu soo noqon doonaa xilli aad sidan dhaanto.
  10. Wax kastaaba waxay noqonayaan sidii loogu tala galay.
  11. Dhibaatada aan ku dillin awood uun baa laga qaadaa.
  12. Waxa habboon in aynu xilli gaar ah kulano.
  13. Maxaa ku xidhxidhay ee aad mar walba kali u joogtaa.

Dhammaan hadaladaasi waa kuwa sii dhaawacaya mooralka qofka aad ogtahay inuu diiqadaysanyahay, sidaasi darteed waxa habboon in aanad u adeegsan hadaladaasi qofka diiqadeysan.

Comments

comments

SHARE