Caruus Aroosadii Kaga Kacay Kursigii Ay Fadhiday, Kadibna Aabihii Tunka Ku Soo Qaaday Oo La Dhex Galay Dadkii Xaflada Arooskiisa Ka Ciyaarayey !

Qadarinta waalidku waa arrin mar kasta iyo meel kastaba inala gudboon, wiil u dhashay dalka Masar kana soo jeeda Gobolka Saciid Masar ayaa waxa uu ku kacay arrin aad u cajiib ah, kadib markii uu aroosadii kaga tegay kursigii ay fadhiday, intaasi kadibna inta uu u tegay Aabihii ayuu tunka ku soo qaatay, dabadeedna waxa uu la soo dhex galay dadkii ka ciyaarayey xafladiisa arooska isaga oo arrintaasi ku cabirayay qadarinta waalidnimo ee uu Aabihii u hayo.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada oo muujinayey qaabka uu wiilkaasi u qaaday Aabihii oo isaga oo tunka ku sita uu ka dabaal degayay arooskiisii ayaa waxa aad ugu bogay dadka ku dhaqan dalkaasi kuwaasi oo muuqaalkaasi ku sheegay inuu yahay mid muujinaya wiil waalidkii adeecaya oo aan xattaa habeenkii arooskiisa ka mashquulin Aabihii, balse farxadiisu ay noqotay inuu waalidkii tunka ku qaato, run ahaantii waa arrin muhiim ah oo ina tusinaysa in aan waalidkaa marnaba la iloobi karin Ilaahay ha inaga yeelo kuwa waalidkood adeeca ee jannada ku muttaysta waalid adeecida.

Comments

comments

SHARE