Somaliland: Murrashax Cirro oo Caawa Rajo ka Muujiyay Wadahadal uu La Yeeshay Komishanka

“Waxaanu ugu baaqaynaa taageerayaasha xisbiga WADDANI inay naga dhursugaan, waxaanan rajaynaynaa in xaaladaas la xalilo”

“Waxaannu ugu baaqaynaa ciidammada amaanka Somaliland inay u tudhaan shacabkooda ay masuulka ka yihiin amnigooda ee aan hubaysnayn oo aanay u adeegsan rasaas nool

Murrashaxa madaxweynaha ahna Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa  shaaciyay inay maanta kulan la yeesheen Guddida doorashooyinka qaranka, isla markaana ay ugu gudbiyeen tabashooyinkoodii.

Murrashax Cirro waxa uu intaas ku daray inay komishanka la yeelan doonaan kulan kale oo ay komishanku jawaab kaga bixin doonan tabashada loo gudbiyay,waxase uu ku dooday in xal lagu qanco laga gaadhi doono khilaafkan.

“Annagoo aad iyo aad uga xun kana murugaysan waxaannu tacsi  u diraynaa dadkii shacabka ahaa ee ku geeriyooday shaqaaqadii ka dhacday Burco iyo Hargeysa. Waxaannu Ilaahay uga baryaynaa inuu naxariistiisii jano ka waraabiyo dadka geeriyooday ee muwaadiniinta ahaa,intii dhaawacantayna waxaan Ilaahay uga baryaynaa inuu caafimaad sareecan ah siiyo,”ayuu yidhi Murrashax Cirro oo caawa gurigiisa kula hadlay warbaahinta.

Waxa kaloo uu   ciidammada ammaanka ugu baaqay inay dhawraan dadweynaha reer Somaliland ee aan hubaysnayn, waxaanu yidhi; “Waxaannu ugu baaqaynaa ciidammada amaanka Somaliland inay u tudhaan shacabkooda ay masuulka ka yihiin amnigooda ee aan hubaysnayn oo aanay u adeegsan rasaas nool, iyagoo wax intaas ka gedisan ku xalin karaya.”

“Shacabka iyo taageerayaasha xisbiga sidaan horeba ugu baaqnayba waxaannu ugu baaqaynaa inay ilaaliyaan amniga,”ayuu yidhi.

Murrashax Cirro waxa uu xusay in maanta wadahadal u bilaabmay  komishanka doorashooyinka qaranka iyo xisbiga WADDANI. “Waxaanu u sheegaynaa dadweynaha in maanta wadahadal u bilaabmay komishanka doorashooyinka iyo xisbiga WADDANI, si loo xalilo codsiga iyo tabashada uu gudbiyay xisbiga WADDANI. wadahadalkii kowaad oo aanu maanta yeelanay waanu u gudbinay wixii dareen ah iyo tabashooyinba ahaa  waxaanan iskugu imanaynaa wadahadal labaad oo aanu ku heli doono go’aanka komishanka.”

“Waxaanu ugu baaqaynaa taageerayaasha xisbiga WADDANI inay naga dhursugaan, waxaanan rajaynaynaa in xaaladaas la xalilo oo xal qanciya xisbiga laga gaadho  haddii Ilaahay ka dhigo,”ayuu yidhi Murrashaxa madaxweynaha xisbiga  WADDANI.

Waxa shirkan goobjoog ka ahaa Murrashaxiisa Madaxweyne ku-xigeenka, Dr. Maxamed Cali Cabdi,  Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee WADDANI, Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Hoggaamiyaha xisbigaas, Xirsi Cali Xaaji Xasan, siyaasi Maxamed Biixi Yoonis, siyaasi Xuseen Axmed Caydiid,  Xoghayaha Guud ee WADDANI,Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde , siyaasi Cabdiriaaq Khaliif Axmed, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) iyo Xoghayihiisa gaarka ah Maxamed Dirir.

Comments

comments

SHARE