Somaliland: Goobjoogayaashii Caalamka oo ku Baaqay in Dariiq Sharci lagu Xaliyo Khilaafka Doorashada

Somaliland: Observation Mission Deployed to Monitor Historic Election

Goobjoogayaashii  Caalamiga ee Doorashooyinka Somaliland ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada  ay khusayso inay u maraan jidka  ee la xidhiidha  sharci xalinta khilaafaadkooda doorashada.

War saxaafadeed uu soo saaray  shalay Mr. Michael Walls  oo ah madaxa kormeerayaashii caalamiga ahaa ayuu ku sheegay inay xog-ogaal u yihiin cabashooyin ku saabsan nidaamka tirirnta codadka, laakiin ku baaqayaan in loo maro tabashooyinkaa hababka caddaaladda iyo sharciga ee  ku habboon.

“Dibad-baxa rebshaduhu waxay wiiqayaan nabadii Somaliland ku naaloonaysay, maslaxadna   uma ah shacabka iyo dalka midna. Waan ka warqabnaa cabashooyinka, waxaanan ku baaqyanaa in sida ugu degdega badan cabshooyinkaa dariiqyadii sharciga ee loogu talogalay si caddaalad ah loogu dhammeeeyo. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay qaangaadhnimo muujiyaan inta hawshaasi socoto,”ayuu yidhi Mr. Walls.

Kormeerayaasha Caalamiga ah oo Somaliland  ku yimmi martiqaad ay ka heleen Komiishanka Doorashooyinka, ayaa sheegay inay taageersan yihiin nidaamka shaqo ee komiishanka u wadaan xisaabinta iyo soo bandhigida natiijooyin hordhac ah, sida ugu horeysa ee ugu macquulsan.

Qoraalka Kormeerayaasha caalamiga ayaa intaas ku daray;  “Waxaan ayidaynaa baaqa Komishanka ee la xidhiidha xisbiyadu   inay cabashooyinkooda ku soo gudbiyaan habab nabdoon. Waxaan si weyn u qoomamaynaynaa dhimashada la sheegay, uguna baaqayna dhammaan shacabka Somaliland inay ilaaliyaan nabadgelyada.”

Mr. Walls ayaa sheegay inay jiraan nidaam sharci oo loo maro gudbinta cabashooyinka, marka murran dhaco, waxaannu yidhi, “Waxa jirta awood komishanku u leeyahiin inay qiimeeyaan arrimaha, marka lagu dhaqaaqo natiijooyinka hordhaca, waxa jira muddo toddoba maalmood ah oo cabashooyinka si rasmi ah loogu gudbin karo maxkamadda sare.

Waxaan ku qanacsanahay  in hababkii dhaqanka ahaa iyo kuwa sharciga ahba lagu gaadhi doono xal laga gaadho khilaafaadka.”

Kormeerayaasha caalamiga ah oo ay maalgelisay dawladda Ingiriisku waxay  kormeereen maalintii codbixinta doorashadu socotay 350 goobood oo ku kala yaalla lixda gobol ee dalka, waxaanay warbixintooda hor-dhaca ah u gudbin doonaan Komishanka doorashooyinka 20ka November, halka ay warbixintooda kama dambaysta ahna shaacin doonaan horraanta sannadka 2018-ka.

Comments

comments