Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil  oo ka mid ah madaxdhaqameedka gobolka Sool,ayaa fariin waanno  iyo dardaaran ah u kala diray bulshada reer Somaliland iyo madaxda saddexda Xisbi qaran ee Somaliland iyo guddiga doorashooyinka qaranka kadib markii habeen hore ay shaqaaqooyin koobani ka dhaceen magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.

Garaadka oo ka hadlayay shaqaaqadii ka dhacday Burco iyo Hargeysa, waxa uu yidhi; “Ugu horreyn Ilaahay ayaa  mahad leh mar labaad waxaan tacsi halkan uga dirayaa intii ku dhimatay ku waxyeelowday xiisadii ka dhalatay natiijada doorashada taasoo ahayd mid aan la gaadhin, waxaanan ugu baaqayaa shacabka Somaliland  in ay nabadgelyada iyo jiritaanka dalka ilaaliyaan  waxa keliya ee ma dhaafaanka ah ee ay dawladnimadeenu salka ku haysaa waxay  tahay nabada in aan la illaawin ee la ilaaliyo ayaan qof kasta iyo meel kasta oo uu ku sugan yahay dhawaaqayga ku gaadhsiinayaa inaad iga aqbashaanna waan rejaynayaa anigoo ku hadlaya afka madax dhaqameedka beelaha bariga, beesha dhexena waxaan xasuusinayaa haddii aad ogaydeen anagoo dalkan harti ahaan  ka maqan maanta waanu idinla wadaagnaa cid kastoo inay burburiso doonaysana indhaha ka qarsan mayno.”

Garaad Jaamac  oo la hadlayay xisbiyada wuxuu yidhi; “Murrashaxiinta xisbiyada waxaan leeyahay saddexda xisbiba  shacabka   inaad u   tudhaan ayaanu idiinka fadhinaa oo aad ka fogaataan wax kasta oo  nabadgelyadooda iyo dawladnimadooda wax u dhimaya  inaad ka dheeraataan, idinkuna aad mustaqbalkiina ilaalisaan ayaa la idinka rabaa, waa in aydaan ilaawin in shacabku yahay ka aad doonaysaan inaad berri xukuntaan, sidaa awgeed in nin kastaa iyo siyaasi kastaa soo dhaweeyo oo hambalyeeyo natiijada ayaa shacabku idinku siiyey codka sida uu nin kastaa yeelana taariikhda ayaa xusi doonta.”

Comments

comments