Wasiir iska Casilay Dawladda aan iskeed isku Maamulin ee Somalia, Balse Maxaa Sababay?

Maryan Qaasim oo iska casishay xilkii wasiirnimo

Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee Dawladda aan Iskeed Isku Maamulin ee Somalia Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta sheegtay in ay iska casishay xilkii wasiirnimada ee ay ka haysay golaha wasiiradda Ra’isulwasaare Xassan Cali Kheyre.

Wasiir Maryan ayaa is casilaadeeda ku baahisay barta ay ku leedahay Twitter-ka, balse wali xafiiska Ra’isulwasaaraha wax hadal ah kama uusan soo saarin arrintaas.

Wasiiradda oo la hadashay taleefishinka Goobjoog ee fadhigiisu yahay Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixisay sababta ay isu casishay, waxayna tiri “Waxaan rabaa in aan idiin xaqiijiyo in aan iska casilay xilkii wasiirnimada, aniga oo illaahay uga baryaaya xukuumada in booskeyga qof aniga iga wanaagsan uu u buuxiyo , hadda waxaan uga tagay xilkii aan hayay , waxaa igu adkaatay duruufta shaqo, wasaarad sida looga shaqeeyo ayaan aqaanaa, laakiin shaqada marka ay is barbar yaac tahay, wax walbo isku qasanyihiin , waxbo kala baxsanayn, wareer badan ayaa laga qaadayaa,”.

Maryan Qaasim ayaa intaas ku dartay in aysan xukuumadda mucaarad ku ahayn, iyada oo sheegtay in ay go’aansatay in ay siyaasadda faraha kala baxdo, bulshadana ugu adeegto sidii kale oo suurtogal ah.

Waa wasiirkii labaad oo xilka iska casila muddo 2 bilood gudahood ah, waxaana horay isu casilay wasiirkii gaashaandhigga kaas oo aan illaa hadda booskiisa la buuxinin.

Ra’isulwasaare Xassan Cali Kheyre ayaa xiliga is casilaadda ay ku dhawaaqday wasiiradda kusii wajahnaa magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelada Hoose, halkaas oo ay tahay markii ugu horeysay oo uu tagayo tan iyo intii xilka loo magacaabay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan oo Baraawe kusoo dhaweeyay Ra’isulwasaare Xassan Cali Kheyre

Warbaahinta dowladda aan iskeed isku maamulin ayaa faafisay in Ra’isulwasaaraha uu Baraawe u tagay sababo la xiriira hawlgalada ciidammada dowladda ee la qorsheynayo in ay dhawaan biloowdaan.

Comments

comments

SHARE