Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa Maanta ka hadlay halka ay marayso Tirinta Codadkii laga dhiibtay Doorashada Madaxtooyada ee Dalka ka dhacday 13-kii bishan November, 2017-ka.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa sheegay in Codadkii laga dhiibtay Doorashada Madaxtooyada intiisa badan la tiriyey isla-markaana lagu soo xereeyay Xarunta Guud ee Komiishanka Qaranka, inta hadhayna ay Jidka ku soo jiraan, marka ay Xarunta Komiishanka soo gaadhaana mar kale la tiring doono, si loo hubiyo.

Comments

comments