Murrashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa taageerayaasha Xisbigiisa ugu baaqay inay isdejiyaan, isagoo geesta kale caddeeyey in xisbigiisu joojiyey wada-shaqeyntii ka dhaxaysay Guddida Doorashooyinka Qaranka.

waxa uu intaa ku daray in madmadow kaga jiro Sanaaduuqda Gobolka Gabiley iyo kuwo degmada Hargeysa ah.

Dhacdooyinkan ayaa yimi saacado kaddib markii masuuliyiin Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ka tirsani sheegeen inay hakiyeen wada-shaqeyntii xisbigooda iyo Guddida Doorashooyinka, iyagoo taa ku sababeeyey cabashooyin la xidhiidha Sanaaduuqda codbixinta oo laga qancin waayey.

Guddida Doorashada oo si joogta ah ula hadlayey Warbaahinta tan iyo maalintii Doorashadu dhacday, ayaa sheegay inay Murrashaxiinta Asxaabta ka qanciyeen cabasho kasta oo uga timi habka howsha tirinta codbixintu u socoto.

Comments

comments