Kulan Ka Dhacay Ambassador Hotel Oo Weftigu Ku Qaabilay Murashaxa WADDANI iyo Xubno Hoggaanka Xisbigaas Ka Tirsan.

Wefti Safiirro iyo Diblamaasiyiin ah oo ka socday waddamada Yurub iyo Dalal kale oo Caalamka ka tirsan oo Somaliland dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka ka taageera oo Socdaal ku jooga Hargeysa, ayaa shalay  Kulan gaar ah Huteel Ambassador ee magaalada Hargeysa kula yeeshay Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Xubno ka tirsan Hoggaanka Sare ee Xisbigaas.

Xubnaha Weftigu ka kooban yahay ee Kulanka la yeeshay Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-Cirro oo ay Weheliyeen Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Xisbigaas Cabdiqaadir Jirde, Siyaasiga Ismaaciil Buubaa, Siyaasiga Maxamed Biixi Yoonis, Maxamed Cismaan Fadal iyo Xubno kale oo Saraakiisha Waddani ka tirsan, ayaa isugu jira Safiirro iyo Diblamaasiyiin, ka kala socday Waddamada Britain, Finland, Denmark, Norway, Sweden, Belgium, Switzerland, Netherland iyo Xafiiska Midowga Yurub, waxaanay dhinacyadu kulankooda diirrada ku saareen arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dhawridda natiijada doorashada Madaxtinimada ee Isniintii shalay Somaliland ka qabsoontay oo ay u soo jeediyeen in la sugo, iyaga oo Bulshada Somaliland iyo Xisbiyada Siyaasaddaba ku ammaanay nidaamka dimuquraaddiyaddu ku dheehantay iyo nabadgelyada ay u galeen doorashada ee illaa hadda xaaladdu sida deggan ugu socoto.

Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, ayaa markii kulankaas laga soo baxay Saxaafadda kula hadlay Huteel Ambassador ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay Weftiga ka wadahadleen in si degganaan leh lagu sugo natiijada doorashada, lana muujiyo masuuliyadda iyo adkaysiga intii hawsha doorashadaba lagu jiray Shacabka iyo Xisbiyada Somaliland muujiyeen. Waxa uu sheegay inay Xisbiyada ku waaniyeen inaan laga degdegin natiijada.

Xildhibaan Jirde, waxa uu sheegay inay Weftiga Beesha Caalamka ka socda ee ay la kulmeen  ay u  gudbiyeen  Tacaddiyo iyo Caga-juglayn loo geystay Masuuliyiin Xisbiga Waddani ka tirsan  kuwaas oo uu ka mid yahay  in  magaalada Gabiley lagu xidhay Gelinkii dambe ee shalay Guddoomiyihii Ololaha   ee Xisbiga Waddani Xamse Khayre. Sidoo kale, waxa uu sheegay in Saraakiil Waddani ka tirsan qaarkood nabarro qabaan, kuwo kalena tacaddi Xukuumadda iyo Xisbigeedu kula kaceen, waxaanu xusay inay Cabashooyinkooda si buuxda ugu gudbinayeen Guddiga doorashooyinka, kuwo aanay weli gaadhsiinna u gudbin doonaan.

Comments

comments