Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo Codkiisa Dhiibtay, Farriina u Diray Shacabka

Murrashaxa jagada Madaxwenaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa codkiisa ka dhiibtay xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda e caasimadda Hargeysa goor dhawayd.

Murrashax Muuse Biixi oo gudanaya xuquuqdiisa muwaadinimo ee distooriga ah waxa uu codbixinta doorashada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland oo guud ahaan dalka oo dhan looga dareeray saaka kaga qaybgalay xarunta hay’adda Shaqaalaha dawladda oo ay codkooda ka dhiibanayeen boqolaal qof oo muwaadiniin ahi.

Md. Muuse Biixi oo markii uu codkiisa bixiyey barxadda goobta codbixinta kula hadlay warbaahinta, ayaa waxa uu ku boorriyey shacabka reer Somaliland inay si nabagalyo ah codkooda u dhiibtaan, isla markaana waxa uu ka codsaday inay isaga ugu deeqaan codkooda.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inuu gebi ahaanba bulshada reer Somaliland ee ku hawllan sidii ay madaxweyne cusub u dooran lahaayeen, waxana uu bulshada ku bogaadiyey dulqaadka iyo safafka ku taagan yihiin, “Maanta anigu dadka waxan la qaybsanayaa farxadda iyo dareenka sare ee cod-bixiyayaashu ay ku dooranayan madaxdii dalka, dareenkayguna wuu wanaagsan yahay, dadka codaynayana aad iyo aad ban u hambalyeynayaa, waxana aan ku hambalyeynayaa dulqaadka, safka iyo taagan yihiin, cadceedda iyo sida ay usoo kallaheen, dhallinyarada shaqaynaysana aad baan u hambalyeynayaa,” ayuu yidhi murrashax Muuse Biixi Cabdi.

Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu si gaar ah u bogaadiyey ciidamada qalabka sida oo uu tilmaamay inay mudan yihiin in si gaar ah loogu mahadnaqo, maadaama oo ammaanka bulshada iyo midka doorashadaba ka masuul yihiin, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ciidamada qalabka sida ee kala duwan ee ilaa xuduudaha ee kala duwan ee ilaa xuduudaha nabadda inoo xidhay nabadda ee goobaha inoo ilaalinayana aad baan u hambalyeynaya, Somaliland oo dhami way isku wada mahadnaqaysaa, Ilaahayna wanaag bay ka doonaysaa.”

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in si wada-jir ah loogu hambalyeyn doono ciddii ay bulshadu u garato inay hoggaaminta qaranka ku guulaysato, waxana uu farta ku fiiqay inuu murrashax ahaan filayo inay bulshada codka ugu badan siiso, “Insha allah waxaynu dooran doonaa madaxweyne cusub, saddex murrashax baana jooga, kii soo baxana waynu hambalyeynaynaa, anna waxan is leeyahay codka ugu badan waad heli doontaa,” ayuu yidhi murrashax Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale waxa uu guddoomiyuhu soo kormeeray goobaha ay codayntu ka socoto ee ku yaalla degmooyinka kala duwan ee caasimadda Hargeysa, waxana uu indhihiisa kusoo arkay bulsho si habsami leh safafka ugu jirto, isla-markaana diyaar u ah inay codkeeda dhiibato.

Comments

comments