Somaliland: Xildhibaan Dheeg oo Dhallinyarada Ugu Baaqay Inay Joojiyaan Hadalada Xanafta Leh ee Isku Dhaca Keenaya

Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg) oo ka mid ah mudanayaasha gollaha guurtida ayaa dhallinyarada Somaliland ugu baaqay inay joojiyaan hadalada xanafta leh ee xisbiyadu ku kala xanaaqayaan maadaama uu ololihii dhamaaday.
Xildhibaan Dheeg oo wargayska Somalilandtoday la soo xidhiidhay ayaa sheegay inuu dhallinyarada ugu baaqayo inay xaaladda dejiyaan ololaha kadib waxaana uu meesha ka saaray inuu jiro faqri u dhexeeya xisbiyada iyo murashixiinta maadaama dhammaantood ay reer Somaliland yihiin dhamaantoodna nabadda iyo qaranimada dhisayaan. Xildhibaanka oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

“Waxaan dhallinyarada uga digayaa kol haddii ololihii iyo dhoolatuskii dhamaaday waxaan uga digayaa kelmadaha ka xanaajinaya ka kale ee KULMIYE Bedeluu iyo Kulmiye wuu dhacay iyo Waddani by bye, calaamadaha la qaatay ee dhallinyaradu isku dacaayadaynayso waxaas oo dhami way dhamaadeen waxaa la gaadhay oo qarka lagu hayaa oo lagu sii socdaa codka, kaadhkaas iyo codkaas uunbaa lagu kala baxayaa afxumo kale iyo sheeko kale way dhamaatay, saddexda ninbaa waa reer Somaliland waa inamadeenii kii soo baxaa wa madaxwayne, maanta waxa lay sheegayay dhallinyaro kelmadaas isku yidhi oo ku kala xanaaqay markii dambena faraha iskula tegay”.
Xildhibaan Dheeg oo ka hadlay xidhitaanka baraha bulshada ee mudada doorashadu socoto ayaa sheegay inuu taageersan yahay oo uu sax u arko maadaama sida uu sheegay ay baraha bulshadu qayb ka yihiin kicinta bulshada iyo buun-buuninta wararka.
Xildhibaanku waxa uu xusay in baraha Facebook-gu ka mid yahay ay ka mid yihiin waxyaabaha dhallinyaradu ku colloobayso.

Comments

comments

SHARE