Somaliland: Murrashaxa KULMIYE oo Ololihiisii ku soo Khatimay Bali-gubadle iyo Salaxley

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa taageerayaasha xisbiga ee ku dhaqan xarunta gobolka Hawd ee Balli-gubadle iyo degmada Gumburaha kala qaybgalay dhoolla-tus ay ku muujiyeen taageerada ay u hayaan xisbiga maalinta toddobaad ee ololaha xisbigaas.
Guddoomiyaha oo ay wehelinayaan xubno wasiirro ah, siyaasiyiin, madax-dhaqameed, xildhibaanno iyo waxgarad kale isugu jira, ayaa goor gabbal dhac ah gaadhay magaalada Balli-gubadle ee xarunta gobolka Hawd, waxana halkaas ku qaabilay kumanaan katirsan taageerayaasha xisbiga KULMIYE oo ay hormood u yihiin wasiirrada, siyaasiyiinta, madax-dhaqameedka iyo haldoorka gobolkaas kaas oo ka jeeda ee sida gaarka ah u taageera KULMIYE, kuwaas oo ku lebisnaa astaamaha xisbiga, isla markaana ay ka go’an tahay inay codkooda la garab galaan murrashaxiinta xisbbiga KULMIYE.
Taageerayaal safaf dhaadheer ku jira, ayaa si kal iyo laab ah u soo dhaweeyey murrashax Muuse Biixi iyo xubnaha ku wehelinayey weftigiisa, waxana munaasibad halkaas lagu qabtay hadallo kala duwan oo salka ku haya sidii ay taageerayaasha KULMIYE iyaga oo isku duuban codkooda ugu hubsan lahaayeen murrashaxiinta KULMIYE u jeediyey waxgaradka, salaadiinta, aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo haldoorka gobolka Hawd, waxana sacab iyo sawaxan ku soo dhaweeyey shacabkii madasha ku sugna.
Suldaanka Barre Xaaji Xuseen oo halkaasi ka hadlay, ayaa ku dheeraaday waxqabadka xukuumadda KULMIYE ka hirgelisay dalka iyo gaar ahaan gobolka Hawd, waxana uu si farshaxannimo leh farta ugu fiiqay inuu murrashax Muuse Biixi yahay shakhsi bulshada abaal badan ku leh oo u qalma inuu hoggaanka qabto.
Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliif Cabdilaahi Axmed, ayaa isagun shaaciyey in bulshada ku dhaqan gobolka Hawd ay taageero buuxda u hayso murrashaxiinta KULMIYE, Islamarkaana ay mahadinayaan horumarka xukuumadda KULMIYE ka hirgelisay gobolka Hawd.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey shacabka ku dhaqan guud ahaan gobolka Hawd, waxaanu ku dheeraaday lexejeclada uu u qabo bulshada gobolkaas kasoo jeedda iyo noloshiisii halganka oo uu inteedii ugu badnayd kusoo qaatay deegaanno badan oo gobolka hoos yimaadda, waxaana uu sheegay inay Hawd ka mid tahay meelaha qalbigiisa ku qoran ee aan cidina kula dardaarmi karin.
Sidoo kale guddoomiyuhu waxa uu isu soo baxyadooda kala qaybgalay taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee degmada Gumburaha oo katirsan gobolka Hawd, waxanaa uu hadal u jeediyey taageerayaal tiro badan oo halkaas kusoo dhaweeyey, isaga oo uga mahadnaqay sida ay u muujiyeen cududda uu xisbigu ku leeyahay degmada Gumburaha oo xuddun ah halgankii dalka lagu xoreeyey.
Taageerayaasha xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa isu soo baxyadooda maalinta toddobaad ee ololaha xisbiga ku marti-qaaday guddoomiyaha xisbiga, ahna murrashaxa madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi iyo xubno wefti ah oo uu hoggaaminayo.
Taageerayaashan oo kumanaan iyo kumanaan kor u dhaafiyey oo ay hormood u yihiin salaadiinta, waxgaradka, siyaasiyiinta, xildhibaannada iyo haldoorka degmadu, isla markaana ku lebbisan astaamaha caanka uu ku yahay xisbiga KULMIYE, ayaa soo dhaweyn ballaadhan ku qaabilay murrashaxa xisbiga iyo xubno uu hoggaaminayo, waxana ay muujiyeen inuu xisbigaasi yahay ka hantay quluubta bulshada deegaankaas ku dhaqan.
Madaxda degmada Sallaxley ee xukuumadda iyo xisbiga oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey guddoomiyaha iyo xisbigiisa, waxana ay sheegeen inay degmada Sallaxley safka hore kaga jirto deegaannada uu xisbiga KULMIYE cududda ballaadhan ku leeyahay.
Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa isaguna shaaca ka qaaday inay deegaan ahaan ka siman yihiin taageerada KULMIYE, isla markaana ay bulshada degmada Sallaxley ka go’an tahay inay codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.
Suldaan Aadan Suldaan Faarax oo kamid ah salaadiinta degmada Sallaxley iyo deegaannada kale ee koonfurta Hargeysa oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in bulshada halkaas ku dhaqani ku abtirsadaan xisbiga KULMIYE, isla markaana ay si buuxda codkooda ula garabgeli doonaan murrashaxiinta KULMIYE.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna mahadnaq ballaadhan u jeediyey bulshada ku dhaqan degmada Sallaxley, waxana uu sheegay inay xisbi ahaan si dhaw ugu xisaabtamayaan codka bulshada degmadan ku dhaqan.

Comments

comments

SHARE