Somaliland: Guddoomiyaha KULMIYE oo Shacabka ka Tacsiyadeeyey Geerida Marxuumad Shugri Hirad

11 November 2017
TACSI GUDDOOMIYE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Shugri Hirad Maxamed oo ku geeriyootay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya maanta taariikhdu tahay 11/11/2017.

Guddoomiyuhu waxa uu geerida Marxuumad Shugri Hirad Maxamed ka tacsiyadaynayaa dhammaan qoysaska ilma Gabax Libaax oo ay marxuumaddu hooyadood ahayd.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumadda Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE

Comments

comments

SHARE