Saddexda murrashax madaxweyne ee xisbiyada qaranka ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, ayaa si wada-jir ah baaqyo ugu jeediyey shacabka reer Somaliland, waxana ay shaaciyeen inaanay jirin wax colaad ah oo dhexdooda taalla, isla markaana uu soo dhammaaday tartankii iyo ololihii muddada saddexda toddobaad ah soo socotay.

Shir jaraa’id oo ay saddexda murrashax maanta ku qabteen xarunta guddida doorashooyinka qaranka, ayey shacabka ugu baaqeen inay wada-jirka iyo isku duubnidooda ilaashadaan, isla markaana uu soo idlaaday ololihii iyo xafiiltankii axsaabta dhexdeeda yaallay.

Ugu horrayn guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng.Faysal Cali-waraabe oo madasha ka hadlay, ayaa bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay wada-jirka iyo ammaanka ilaaliyaan, isla markaana loo baahnayn in shacabka dhexdiisa lagu abuuro cunfi iyo kala qoqobnaan, waxana isaaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Shacabka reer Somaliland waxan leeyahay ilaahay wuu qoray qofkii soo bixi lahaa, haddaad is dhaqaajiso iyo haddii aad ceeb samaysid waxba kama beddeli kartid go’aanka ilaahaye waxba ha is xiijinina oo caaddifad reereedda iska daaya, asluubta iyo magaca dalkeena iyo ka shacabkeena iyo sumcadda waddankeena inoo ilaaliya, tartankiina wuu dhammaaday oo hadda isku mid baanu nahay, waxana naga go’an inaanu sharafta dalkayaga ka horraysiino wax kastaba, Huutuu iyo Tuutsina ma nihine hal qoys baynu nahay.”

https://www.youtube.com/watch?v=wfjSaIpOH-c

Guddoomiyaha xisbiga xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa isaguna dhankiisa bulshada u bayaamiyey in laga soo gudbay ololihii iyo xafiiltankii axsaabta, isla-markaana muwaadiniinta looga baahan in iyaga oo sharciga iyo degenaanshaha dhawraya ay u codeeyaan ciddii ay taageersan yihiin, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ololihii doorashadu wuu dhammaaday, haddii ololihii dhammaadayna tarankiina wuu dhammaaday, waxaynu xaq u leenahay inuu muwaadin kastaa codkiisa dhiibto, muwaadinkuna xaq waxa uu u leeyahay hal codkaasna waxa la doonayaa inuu si nabadgelyo ahy ku dhiibto, xisbigii uu doonana ku taageero, haddii uu KULMIYE taageerayo, haddii uu UCID taageerayo iyo haddii uu WADDANI taageerayoba, wax tartan ah oo dambe oo naga dhexeeyaana ma jiro, go’aankana shacabka leh oo cidda aad doorataan baa madaxweyne dalkan ka noqonaysa.”

https://www.youtube.com/watch?v=bq_eEbbKRyE

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo bulshada la hadlay, ayaa ugu horrayn si mug leh u sharraxay ujeeddada laga leeyahay doorashada juhdiga iyo waqtiga badan la geliyey, waxana uu tilmaamay inay doorashadani tahay farriin ay shacabka reer Somaliland kula garnaqsanayaan beesha caalamka, waxana uu yidhi, “Waxaynu doorashadan u gelaynaa oo dhibta intaa le’eg ee dhaqaale ee juhdi u maraynaa caalamka ayeynu kula garnaqsanaynaa, waxana aanu leenahay dadka Somaliland ma geyaan in indhaha laga laliyo oo ictiraafkooda gardarrao loogu diido umadda waxaas oo tacab ah gashay, xaqbayna ugu leedahay, waana markii shanaad ee Somaliland doorasho gelayso oo ay ku muujinayso go’aankeeda qaranimo, midnimadeeda iyo horumarkeeda, maanta waa garnaqsi labaade codeeye ha u qaadan warqadda iyo codka aad ridaysaa inuu ku egyahay qof aad dooranaysee qarankii baad hirgelinaysaa, taasina waxa ay kaaga baahan tahay inaad si masuul ah uga qaybgasho doorashada.”

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay saaxiib dhaw yihiin dhiggiisa murrashaxiinta ka ah xisbiyada kale, isla markaana ay dhug u leeyihiin muhiimadda ay leedahay degenaanshaha iyo wada-jirka umaddu, “Tartanka uma gelayno inaanu dalka wax yeellaynee inaanu hore u marinaanu doonaynaa, tabta uun baana lagu kala duwan yahay, colna ma nihin oo rag saaxiibbo ah baanu nahay oo dad in badan soo wada-shaqeeyey baanu nahay 15-kii sano oo xisbiyadu jireenna saddexdayaduba waanu taagnayn, nin walbana annagaa tan uga lexejeclo badan, ninna tan noo waanin maayo oo dhibaatadeeda noo sheegi maayo oo dhibaatada aanu usoo marnay umuu soo marin,” ayuu yidhi murrashax Muuse Biixi Cabdi.
Ugu dambayntii waxa ay saddexda murrashaxba si isku mid ah uga digeen dhawaaqyada dhiillada leh ee kasoo yeedhaya maamul-goboleedka soomaaliyeed ee Puntland, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inaanay aqbali doonin faro-gelin kasta oo maamulkaasi ku sameeyo xuduudda Somaliland iyo qarannimadeedaba.