Xubnihii Ugu Miisaanka Cuslaa Xisbiga WADDANI ee Gobolka Hawd Oo Hada iska Casiley  Xilkii iyo Xubinimadii Xisbigaasi iyagoo si rasmi ah Ugu Biirey Xisbiga Kulmiye.

Baligubadle (Hubaal) Xubnihii Ugu Miisaanka Cuslaa Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ee Gobolka Hawd ayaa shaaca ka qaaday inay iska casileen Xilkii iyo Xubinimadii Xisbigaasi iyagoo si rasmi ah Ugu Biirey Xisbiga Talada Dalka Haya ee Kulmiye.

 

Masuuliyiintani sidaasi waxay ku sheegeen Shir jaraa”id oo ay Maanta ku qabteen magaalada Baligubadle ee Xarunta Gobolka Hawd.

 

Xubnahan maanta Iscasilay Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa kala ahaa

1-Maayar ku Xigeenkii Hore ee Degmada Baligubadle Mawliid jaamac Yuusuf.

2-Xoghayihii Guud ee Gobolka Gobolka Hawd ee Xisbiga Waddani Shacbaan Cabdi Muxumed

3-Gudoomiyihii Garabka Haweenka Xisbiga WADDANI ee Gobolka Hawd Siraad Cabdi Kaahin,

4-Gudoomiye ku xigeenkii Garabka Haweenka Xisbiga Waddani ee Gobolka Hawd Malyuun Jaamac Yoos

5-Xoghayihii Garabka Haweenka Xisbiga Waddani ee Gobolka Hawd Hodan Cabdillaahi Xaaji Saalax

6-Madaxii Dhaqaalaha Garabka Haweenka Xisbiga Waddani ee Gobolka Hawd Caasha Maxamuud Taagane

7-Gudoomiye ku xigeenka Garabka Dhalinyarada Xisbiga Waddani ee Gobolka Hawd Bare Cabdi Hure

8-Madaxii Dhaqaalaha Xisbiga Waddani ee Gobolka Hawd Tiriig Caydiid aadan

Comments

comments

SHARE