Somaliland: Siyaasiyiinta Barriga Burco Oo Maanta Qaaday Kaanbaynkii Ugu Cusla Xisbiga KULMIYE Oo Loogu Magac Daray,,Kana Siib Kana Saar,

 

Siyaasiyiinta Barriga Burco Oo Maanta Qaaday Kaanbaynkii Ugu Cusla Xisbiga KULMIYE Oo Loogu Magac Daray,,Kana Siib Kana Saar,
Xisbiga KULMIYE Ayaa Maanta Qaaday Kaanbaynkii Ugu Cusla Ee Deegaanada Barriga Gobolka Togdheer Lagaga Sifaynaayo Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI,Waxaana Siyaasiyiinta Maanta U Diyaar Garoobay Kaanbaynka Siweyn Uga Dhex Muuqda Maayir Muraad Oo Wacad Ku Maray Inuu Deegaanadiisa Ka Sifaynaayo Calanka Astaanta U Ah Xisbiga WADDANI,

Siyaasiyiinta Ugu Cad,cada Xisbiga KULMIYE Ayaa Maanta U Kala Baxay Deegaanada Miyiga Gobolka Togdheer,Waxaana Safarka Weftidan Si Weyn Uga Dhexmuuqday Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Cali Mareexaan,Maayir Muraad Xildhibaan Obama,Muj,Maxamed Kaahin Iyo Masuuliyiin Kale Oo Ka Tirsan Xisbiga KULMIYE,Kuwaas Oo Guntiga U Giijistay Sidii Ay Codadka Ugu Tirada Badan Uga Keeni Lahaayeen Deegaanada Ay Kasoo Jeedaan,Iyaga Oo Masuuliyiinta KULMIYE Muujin Doonaan Awooda Xisbigu Ku Leeyahay Deegaanada Barriga Burco,Waxaana Sidoo Kale Lasoo Xero Geliyey Xafiisyo Tiro Badan Oo Xisbiga WADDANI Ka Furtay Deeganadaasi,Kuwaas Oo Iminka Isku Bedelay Xafiisyada Xisbiga KULMIYE,Waxaana Maanta Reer KULMIYE Hal Ku Dhig U Ahayd Kana Siib Kana Saar,

Comments

comments

SHARE