Somaliland: Isu-soo-baxii Shacabka ee Degmooyinka Caasimadda iyo Ololaha Maalintii Lixaad

Dadweynaha ku dhaqan caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa isu-soo-baxyo qayb ka ah ololaha doorashada ee KULMIYE maalintiisa lixaad ku soo bandhigay degmooyinka kala duwan ee magaaladu ka kooban.
Kumanaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE ah oo ka qaybgalay isu-soo-baxyo ka dhacday fagaarayaal ku kala yaal shanta degmo ee waawayn ee ay ka kooban tahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa ee kala ah; Axmed Dhagax, Maxamuud Haybe, Gacan-libaax, 26 June iyo Ibraahim Koodbuur, waxay ku muujiyeen heerka baaxadda ballaadhan ee taageeradooda xisbiga KULMIYE ah iyo sida ay diyaarka ugu yihiin doorashada murrashaxiintiisa Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka – Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici.
Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan KULMIYE, guddiga ololaha Gobolka Maroodi-jeex, wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil kale, ayaa kala qaybgalay shacabka degmooyinka Hargeysa ee isugu soo baxay fagaarayaasha kala duwan, kuwaas oo khubado kala duwan oo hambalyo, dhiirrigelin xog-warran siyaasadda xisbiga ah u jeediyey.

Comments

comments