Somaliland: Waftigii Murashaxa Madaxwayne Ee Xisbiga KULMIYE Md.Muuse Biixi Cabdi Hogaamnayay Oo Soo Dhawayn Aan Kala Hadh Lahayn Loogu Sameeyey Magaalada Oog

Waftigan u hogaamnayay murashaxa jagada madaxwayne ee xisbiga kulmiye Md.Muuse Biixi Cabdi oo ay ka mid ahaayeen xubno sare oo ka tirsan xisbiga KULMIYE Xubno ka tirsan golaha wasiirada oo kasoo kicitimay magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa soo dhawayn balaadhan oo aan bulshada deegaanka Oog ayna u kala hadhin ku qaabileen Waftiga Murashaxu Hogaaminayay .
Bulshada ku dhaqan magaalada yagoori odaayaasheeda cuqaasheeda haweenkeeda iyo dhalinyaradeeduba waxay cod dheer ku sheegeen inay cod iyo cududba la garab taaganyihiin xisbiga Midnimada iyo horumarka Soomaliland Ee KULMIYE.
Wasiirka wasaarada madaxtooyada Md.Maxamud Xaashi Cabdi ,Wasiirka xanaanada Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ,Wasiirkii hore ee arimaha dibada soomaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo goobtaasi ka hadlay ayaa si isku mida ugu mahad naqay Bulshadan ilaa saaka heegan u ahaa inay soo dhaweeyaan waftiga murashaxu hogaaminayo kuna guubaabiyeen inay u codeeyaan Xisbiga KULMIYE Iyo murashaxiintiisa.
Ugu danbayn murashaxa madaxwayne ee xisbiga kulmiye Md.Muuse Biixi Cabdi Oo Goobtaasi ka hadlay ayaa u mahad naqay taageryaasha xisbiga kulmiye ee kumanaanka kor u dhaafay sida kalgacalku ka muuqdo usoo dhaweeyey .

Comments

comments