Cajiib: Sheekh Saleebaan oo Iska Casilay Xisbiga WADDANI Oo Uu 4 Maalmood Ka Tirsnaa

Sheekh Saleebaan Saciid Cali ayaa iska casilay xsbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Saleebaan ayaa xisbiga Waddani ka tirsanaa keliya  muddo afar maalmood ah, isagoo  wiigan horaantiisii iskacasilay Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo uu ka ahaa Agaasimihii Guud ee Wasaarada Diinta Iyo awqaafta,  Iyo sidoo kale Xubnimadii Xisbiga Kulmiye oo uu katirsanaa Golihiisa dhexe.

Saleebaan Siciid oo warbaahinta Hargeysa Kula hadlay ayaa sheegay inuu dib ugu laabtay xisbigii Kulmiye ee uu hore isaga casilay.

Maalmaha uu sheekhu Mucaaridnimada Ku jiray ayaa waxa uu ka qeyb galay laba maalmood oo xisbiga Waddani Ololahiisa doorashada ahaa magaalada Berbera

Comments

comments