Buubaa iyo Marin-habaabinta Taariikhda: Xadhigii Muuse Biixi iyo Xaaladiisii -W.Q. Cali Coomay

Ka hor inta aanan u daadagin dulucda mowduuca, bal aan si guud-mar ah idiinku saro taariikhda iyo sida looga warramo. guud ahaan Taariikhdu waa sheeko ku saabsan wixii dhacay iyo wixii ay dadku soo mareen ama sameeyeen. Had iyo jeer taariikhdu laba weji ayey leedahay. Ta koowaad waa falalkii dhacay. Ta labaadna waa sharaxaadda iyo soo gudbinta dhacdadaasi. Taariikhdu ma dhimato, balse haddii la waayo cid soo foqda oo isku dubba rida, waxa dhacaya in xaqiiqadii falkaasi loo beddelo Ku-tidhi-ku-teen ama ku-yidhi-ku-keen.
Aakhirkana ay keento in xaqiiqadii aasanto. Marka taariikh laga warramayo waxa loo eegaa saddex arrimood. Kow, inuu ka warramo qof goobjooge ka ahaa dhacdadaasi, oo falkaasi siday ahayd uga warrama. Laba, qof soo xiganayaa qof joogay oo isaga uga warramay. Saddex, qof soo xiganayaa qof qoraal ka sameeyey, cod ama muuqaal duubay oo meel ku shubay sida YOUTUBE oo farta kuu saaraya xigashada. Anigo oo tixraacaya waraysi uu Ismaaciil Hurre Buubaa siiyey Tilifiishanka Somalinews oo uu kaga falcelinaayey muxaadaradii uu Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ku qabtay Hargaysa ee uu kaga warramayey xisbiga Kulmiye iyo musharaxooda, ayuu Buubaa soo hadal qaaday laba dhacdo oo taariikh ahaan uu ugu gefay, isaga oo u leexiyey si uu waxyeelo ugu geysto Muuse Biixi Cabdi oo ay isku hayaan siyaasada Soomaalilaan.

Anigu uma socdo in aan Muuse Biixi iyo xisbiga Kulmiye difaacayo oo xubnahooda ayaa ka hadli arrintaasi, hasayeeshee waxa aan doonayaa in aan gefefka ka saaro taariikhda uu Prof. Buubaa u marin habaabiyey si uu siyaasadiisa u iibiyo. Buubaa wuxuu ka hadlay oo uu leexiyey laba dhacdo taariikheed, ta koowaad waxa ay ahayd, xadhigii Muuse Biixi ee dhacay horraantii sannadkii 1988 iyo dagaalkii sokeeyey ee qaraxay dabayaaqadii sannadkii 1994. Hadaba si aan marin habaabintaasi meesha looga saaro oo ummadda da’yartana loo saxo, ayaan halkan ku soo bandhigayaa taariikhda saxda ah ee labadaasi dhacdo leedahay.
= Dagaalkii sokeeye ee yidhi Buubaa waxa ka dambeeyey Muuse Biixi, wuxuu ahaa been cad oo beyd run ka ahayn, haa Muuse Biixi wuxuu ahaa wasiirkii arrimaha gudaha ee wakhtigaasi, hasayeeshee dhacdadaasi waxa ay dhab ahaan u dhacday sidan: Dagaalkii sokeeye ee Hargaysa 1994
Markii la soo dhameeyey intii badnayd ee hub-wareejintii ay samaynayeen Beeluhu ayey Beesha Garxajis diiday inay hubkooda ku wareejiyaan xukuumaddii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxa kale oo ay ku cawdeen inaan xukuumadda laga siin saami ay ku qancaan. Maleeshiyaadkii daydayga ahaa ee haystay xarumihii dhaqaaluhu ka soo baxayey ayaa hore loo qarameyey, kuwaasi waxa ugu muhiimsanaa maleeshiyaadii haystay meeelihii dakhliga cashuurtu ka soo baxaysay sida Dekedda Berbera, Kastamka Gabiley IWM. Xukuumaddii cigaal waxa ay isha ku haysay madaarka Hargaysa oo maleeshiyo ciidagale ahi gacanta ku hayeen kuwaasi oo diidanaa inay madaarka iyo hubkooda ku wareejiyaan dawladda. Is-maandhaafkaasi ayaa cirka isku shareeyey, iyadoo arrintu halkaasi maraysa ayuu Madaxweyne Cigaal ka codsaday Golihii Guurtida inay arrintaasi xalkeeda doonaan. Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf ayaa shiriyey Golihii Guurtida, ka dibna waxa la isku raacay in la raadiyo nabad lagaga bixi karo inuu dagaal dhaco. Dhinaca xukuumaddu, waxa ay soo magacowday xubno uga qayb gala waan-waanta, xubnaha uu Sheekh Ibraahim hogaaminayey waxa ka mid ahaa.
= Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar
= Axmed Cabdi Xaabsade
= Xaaji Cabdi-Waraabe
= Xildhibaan Axmed Saalax
Dhinaca Beesha Ciidagale waxa ay soo magacaabeen 9 nin, balse waxa ay shuruud ku xidheen inay hubkooda wareejiyaan, shuruudahan hoos ku qoran:-
1. In la daryeelo naafada iyo agoonta Beesha ee SNM
2. In malleeshiyada Beesha lagu qarameeyo madaarka oo aan laga bedelin, sidii kuwii Dekedda Berbera ,
3. In Beesha loo kordhiyo saamiga ay xukuumadda cigaal siisay , lana leekaysiiyo inta la siiyey beelaha sacad muuse
4. In la siiyo mag dad laga laayey
5. In loo qarameeyo 2,000 oo malleeshiyo ah
Madaxweyne cigaal dhammaan wuu aqbalay shuruudihii, iyadoo guddigii Sheekh Ibraahim horkacayey soo dhameeyeen. Iyada oo la doonayo in heshiis la saxeexo ayey xubno ka tirsan siyaasiyiinta Beesha Ciidagale oo uu hormood ka yahay Gen. Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac-Yare) ayaa toos uga horyimid heshiis dhexmara Beeshooda iyo xukuumada Cigaal , halkaasina waxa gebi ahaanba ku joogsaday guddigii waan-waanta ka dhex waday labada dhinac. Ergay badan oo Guurtida ah iyo ergadii Beesha Ciidagale ayaa kulmay waxaana lagu yidhi soo qorta wixii aad rabtaan ee dalku ku hagaagayo, ka dib wixii ay soo qorteen Sheekh Ibraahin wuu aqbalay, balse Jaamac-Yare ayaa diiday, halkaas ayey sartu ka qudhuntay.
Kadib sheekh ibraahim Sheekh Yuusuf iyo Axmed Cabdi Xaabsade ayaa waraaq u qoray madaxweyne cigaal waxa ay waraaqda ku sheegeen in laga quustay in ay Beesha Ciidagale saxeexdo heshiiskii lagu doonayey in waan-waan lagu dhameeyo is-maandhaafka ka aloosan hubka dhigista iyo wareejinta madaarka Hargaysa . Intaasi ka dib markii ay waraaqdii gaadhay xarunta madaxtooyada ayey xukuumadii cigaal soo saartay amar lagu xidhayo madaarka. Madaxweyne ku-xigeenkii oo ahaa Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax ayaa amarka xidhitaanka bixiyey.
Dhinaca Beesha Ciidagale ayaa ka biyo diiday xidhitaanka madaarka, waxaanay xukuumadda ka codsadeen in laga noqdo amarka xidhitaanka, balse waxa arrintaasi ku gacan saydhay, xukuumaddii cigaal. Wakhtigan wuxuu Madaxweyne Cigaal joogay magaladda Berbera, waxaanu waraaq u soo qoray wasiirkii arrimaha gudaha Muuse Biixi Cabdi, kuna amray inuu soo qabto jaamac-yare oo fidnada iyo burburinta wada hadallada sabab u ahaa.
Muddo yar kadib waxa ay xukuumadii cigaal sheegtay heshiiskii lagu gaadhay shirkii Boorama ee ahaa in meel looga soo wada jeesto Beeshii ka hortimaadda xukuumada, kadib waxa markiiba qarxay dagaal culus oo bilaabmay 14/11/1994 kana bilaabmay badhtamaha suuqa Hargaysa, dagaalkan ayaa u dhexeeyey maleeshiyo Beeleed Ciidagale ah iyo ciidankii Qaranka ee xukuumaddii cigaal.
Markii dagaalku Hargaysa in muddo ah ka dhexsocday ayaa aakhirkii xukuumaddii cigaal ka saartay magaalada Hargaysa maaleeshiyadii Beesha Ciidagale. Maleeshiyadii Hargaysa laga saaray ayaa gaadhay magaalada Toon , halka dadkii shacabka ahaa ee deegaankaasi ku noolaa ay u kala qaxeen magaalooyinka ka baxsan xuduudda Soomaalilaan oo gudaha itoobiya ku yaalla, oo kala haa , Abokor iyo Rabaso. Aakhrikii waa laga heshiiyey dagaalkii oo nabad ayaa lagu soo dabaalay dalkii. Markaa dagaalkii sokeeye sidaasi ayuu u dhacay oo Muuse Biixi shaqo kumuu lahayn.
Faahfaahin dheeraad ah ka eeg Buugga” Go’aan iyo Geesinnimo” 2016 ee ka hadlaya Sooyaalkii Sh. Ibraahin Sh. Yuusuf Sh. Madar.

Xadhigii Muuse Biixi
= Xadhigii Muuse Biixi, Ibraahin Dhegoweyne iyo Maxamed Cilmi Galaan wuxuu dhacay bishii Febwari ee sannadkii 1988, waxaana la soo daayey bishii April ee isla-sannadkaasi. Wakhtigan Muuse Biixi wuxuu ahaa taliyaha qaybta galbeed ee ciidankii SNM, Ibraahin Dhegoweyne wuxuu ahaa madaxa hawlgelinta iyo Maxamed Cilmi Galaan oo ahaa taliyaha Guutadii Sayid Cumar.
Hadaba waxa hore u jiray inay xidhnaayeen madaxda ay ka mid yihiin Wayso-cadde, Dayib-guray iyo Sheekh Yuusuf oo waxoogaa buuq ah ka dhalisay saraakiisha SNM qaybta galbeedka, markaa Muuse Biixi, Ibraahin Dhegoweyne iyo Maxamed Cilmi Galaan ayaa doonayey inay arrintaasi kala hadlaan Guddoomiye Siilaanyo oo wakhtigaasi ku sugnaa Laanqayrta, waanay ugu tageen, hasayeeshee waxa jirtay waraaq uu guddoomiye Siilaanyo qoray oo uu ku beddalay saddexdan masuul, oo aan iyaga soo gaadhin, oo Xarshin la dhigay. Markii ay ugu tageen Laanqayrtii ayuu Siilaanyo ka cudurdaartay inuu la kulmo, ileyn waa niman uu beddelay ‘e.
Xarshin ayey tageen markaasaa la xidhay, oo sabab loo xidho ayaa la waayey markaasaa la yidhi jidgoyn ayey guddoomiyaha u galeen, hasayeeshee waxba kamay jirin oo been cad ayey ahayd, sida uu ii sheegay Kornayl Maxamed Cilmi Galaan oo wakhtigan nool kuna sugan Hargaysa. Arrinta xadhigan oo faahfaahsan waxa aan ku daray oo dhawaan soo baxaya buug ka hadlaya waayihii uu soo maray Kornayl Maxamed Cilmi Galaan oo daawaha saaran. Markaa Prof. Buubaa ma wuxuu uga war roonyahay Maxamed Cilmi Galaan oo Muuse Biixi mar lala xidhay? Jawaabtu waa maya. Wuxuu dhacdo-taariikheedkan u leexiyey dano siyaasadeed oo isaga u gaar ah.

Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan

Comments

comments