Somaliland: Xildhibaan Xaamud-ka Golaha Wakiilada Oo Soo Bandhigay Khiyaamooyin Qaran Oo Cirro Uu Ku Kacay Mudadii uu xilka ku fadhiyey

Xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal  oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilda Somaliland ee laga soo doortay Gobolka Saaxil, ayaa ku tilmaamay Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro inuu yahay mid hogaamin Kari waayey 82ka xildhibaan ee golahaasi mudadii uu ahaa gudoomiyaha golahaas, sidaas awgeedna aanu dalka hogaamin kartin, islamarkaana uu yahay murashax go’aan jilicsan oo shacabka reer somaliland ee saddexda Milyan ah aan hogaamin karin.

Xildhibaan Xaamud oo ka hadlayey munaasibadd uu xisbiga Kulmiye ku qabsaday Hargeysa, ayaa waxa uu sidoo kale soo bandhigay xeerar uu wax ka bedel ku sameeyey, kuwaas oo uu sheegay inay yihiin khiyaamo qaran iyo qodobo uu is waydaariyey gaar ahaan qodobka todobaad oo uu sheegay inay tahay soo saarista diiwaan gelinta oo ahayd inu soo saaro lix bilood gudohood sidaasna uu wax ka bedel ugu sameeyey.

Sidoo kale Xildhibaanku waxa uu ku eedeeyey Cabdiraxmaan Cirro  in aanu fadhiyada si caadi ah uga soo xaadiri jirin  inta badana uu iska maqnaa, isaga oo dhamaan soo wada bandhigay kalfadhiyada uu ka soo xaadiray iyo kuwa uu ka maqnaa oo uu sheegay inuu inta ugu badan ka maqnaa xil gudasho la’aanna uu ku sifeeyey, isla markaana uu fadhiyada  ka soo xaadiray wax aan ka badnayn 2 fadhi oo keliya.

Xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi

“Ninka doonaya inuu Madaxweyne noqodo ee 81 xildhibaan u talin kari waayey  ee xilkii loo doortay ee uu u dhaartay sidaas u dayacay miyuu madaxweyne noqon karaa, Waxaan hayaa khiyaamo uu WADDANI galay oo qofka gala ee masuul ah ay tahay in maxkamad la taago, taas oo ahayd inuu Guddoomiye Cirro wax ka beddelay xeerka gobollada iyo degmooyinka, waxaana uu is-weydaariyey qoddobka Toddobaad oo ahayd Lix bilood in la soo gudbiyo oo uu u beddelay Lix bilood gudahood, waxa kaloo jirta oo aan tilmaamayaa in nin aanu saaxiib nahay aan maah maah u sheegay xildhibaan C.qaadir Jirde waxaan leeyahay reer balli gubadle farbaa ku godan waxa ay leeyihiin guddoomiye ayaa nala siiyey waxaan leeyahay ku meel gaadh ayaa la siiyaye guddoomiye lama siinin,  waxaan leeyahay reer Balli-gubadle Awrka ayaa la idinku kacsanayaa markaa waa inaad iska ogaataan khiyaamada uu Cirro idiin sheegayo” Sidaas ayuu yidhi xildhibaanka oo ka mid ahaa siyaasiin miisaan leh oo ku biiray xisbiga midnimada iyo Horumarka ee KULMIYE.

 

Comments

comments