Sidee Ayey Xisbiyadu Gobolka Awdal Codka U Kala Heli Doonaan 13-ka November – W.Q. Mohamed Hagi Mohamoud

Mohamed Hagi Mohamoud

Doorashada qabsoomi doonta 13th November meelaha aadka loo gu tartami doono waxa ka mid ah Gobolka Awdal oo codad aad u faro-weyni yaalliin. Gobolka Awdal waxa si weyn jilbaha isku dhigi doonaa labada xisbi ee loolanku sida weyn uga dhexeeyo ee Kulmiye iyo Waddani oo kala wata labo murashax oo gobolka ka soo jeeda.

Soomaalidu waxa ay in badan la wadaagtaa dhaqanka xulashada qaaradda ay ku taal ee Afrika oo xulista hoggaamiyayaashooda ku salaysa hab qoomi ah amma qabili ah. Sidaa si la mid ah ayuu gobolka Awdal oo ay ka sharraxan yihiin labo Madaxweyne-Xigeen sannadkan uu isna xulashada hab qabilli hoose ah ugu teedi doonaa.

Xisbiga Kulmiye doorashadii 2010 kii oo gobolkani lahaa murashax madaxweyne, cod aad u yar ayuu ka helay. Arrintani marnaba la yaab kuma ahayn siyaasadda deegaan doorasho ee Afrika.

Maanta oo labo murashax oo guud ahaan marka ay ku abtirsiga gobolka noqoto isku mid ah – se tirsiga hoose ku kala deegaan ah – waxa uu mar labaad gobolku u codayn doonaa si waafaqsan dhaqanka guud ee Afrika iyo kan Soomaalida ee hayb qabiliga hoose ah (Segmentary Lineage).

Gobolka Awdal waxa uu ka kooban yahay afar degmo doorasho oo si guud ay kaadhadhka cod-bixinta uga qaateen 102,571 cod-bixiye.

Degmada Boorama oo ah tan ugu ballaadhan waxa aan saadaalinayaa in uu xisbiga Waddani kaga hormari doono Kulmiye. Degmadan waxa isaga diiwaan-galiyey 90,469 – nasiib-darro-se waxa kaadhadhkii ka qaatay 64,160 keliya. Halkaa waxa ka cad in ay noqdeen kaadhadh tiradoodu dhan tahay 26,309 kaadh-doorasho. Degmada Boorama oo ah degmo hayb ahaan Samaroon ay wada degan tahay – haddana waxa cad in Reeraha Makaahiil ay yihiin kuwa ugu badan ee degmadan degan.

Waana qiyaas mar labaad inna tusaysa in 26, 309 kaadh-doorasho ee noqday ay ka khasaareen murashaxa Waddani – yihiin na dadkii inta badan la ga soo guray gudaha Itoobiya oo xisbigu ku guul-darraystay in uu mar labaad soo daad-gureeyo. Dhanka kale waxa cad in marka aad eegto goobaha codaynta dadka iska diiwaan galiyey ay kuu soo baxayaan in reerahani si weyn isku diiwaan galiyeen; Reer Nuur, Reer Ahmed , Muusafiin , Xeeb- Jire , Cismaan Guula, Habar Yeesif, Reer Ciise, Reer Mohamad, Ansa- Sacad, Cali Ganuun, Reer Dudub iyo waxoogaa Faroolle ah.

Magaalada gudaheeda iyana waxa degan dadyow kale oo kala ab ah sida magaalooyinka Soomaalidu ay ku caan yihiin waxana ka mid ah; qabiil wal oo Samaroon ah, Ciise, Daarood, Madhibaan, Akishe, Madigaan, Isaaq iyo Hawiye.

Xisaabtani marka ay sida tan uga shaqaysan tahay waxa hubanti ah in Kulmiye si weyn ugu tartami doono – waayo wakhtigan degmada Boorama ma leh Madaxweyne ay cod siiso – waxase ay kala dooranaysaa labo ku-xigeen. waxana ay u egtahay in loo kala codayn doono sida tan; Waddani 36,000, keliya waa haddii ay badi u codeeyaan Jibriil Yoonis.

Kulmiye haddii uu si fiican u ololeeyo degmada waxa uu ka heli doonaa 24,000 iyo in ka badan. Halka Ucid ay xaabxaabka ka qaadan doonto – waayo murashax loo gu codeeyo xisbigu la ma iman. Degmada Saylac waxa ay noqon doontaa degmo uu xisbiga Kulmiye aad ugu horreeyo wakhtigan. Arrintaa waxa caddayn u ah cidda deegaanka degta oo u badan bahda Saylici. Deegaanka sida loo degan yahay ee ay shaxda doorashadu u dhigmi doontaa waa sida tan; Bahabar Celi, Abreyn, Habar Muuse,Reer Mohamad , Habar Yeesif iyo Ciise, Xeebjire, Musafiin, Makeyl iyo Hansa -Sacad.

Degmada Saylac waxa iska diiwaan-geliyey 26,547. Nasiib-darro-se waxa kaadhadhka codaynta ka qaatay 14,553. Halkaa waxa ka cad in ay noqdeen 11,994 – waana in badi Ciisihii Jabuuti la ga keenay aannu soo xaadirin kaadhadh qaadashadii. Degmada Baki waxa ay noqon doontaa degmo uu xisbiga Waddani badsado wakhtigan. Waa degmo ay hore isaga diiwaan-geliyeen 14,830. Waxase kaadhadhka qaatay 12,035.

Waa degmo ay degaan reeraha; Reer Mohamoud Nuur, Reer Ciise, Cali Ganuur, Faroolle, Xeeb- Jire, Hansa-Sacad, Reer Mohamad iyo Habar Muuse. Sida Chart ka muuqata waxa aan saadaalinayaa in haddii uu Waddani aad u dedaalo uu heli karo codadka inta badan. Sidoo kale Kulmiye oo raadkiisu aannu degmadan ku badneyn kuma qadi doono haddii uu dabayl siyaasadeed oo hor leh dul dhigo – sababtuna waa deegaanka oo dad kala hayb duwani ay u soo hoydaan.

Degmada Lughaya waxa ay noqon doontaa degmo uu aad ugu horreeyo Kulmiye. Hore degmada waxa isaga diiwaan-geliyey 15,185, waxase kaadhadhka soo doontay 11,823. Deegaankan oo xuduudihiisa waxoogaa la gu muransanaa dhanka ay raacayaan qaybo ka mid ahi waxa dega Bahar Muse, Reer Mohamed , Abreyn, xeebjire, bahabar abokor -Sagaaro-Gaad , Ciise, Habar Yeesif, Musefiin, iyo Sacad Muuse. Marka aad dhuuxa ka gasho hab deegaanka qabiliga ah ee degmada runtu si weyn ayey kuu gu soo baxaysaa.

Guud ahaan Awdal hore Kulmiye waxa uu uga helay codad aad u yar wakhtigii Rayaale tartamayey, maanta se haddii uu ugu yareysto waxa uu ka helayaa codad aad u faro-badan oo noqon kara xataa in ay mucjiso dhammaanteen innagu noqdaan. Sababtuna waa in saddexda reer ee Samaroon labo ka mid ahi Kulmiye yihiin. Xisaabta tan marka aan ka shaqaynayey waxa aan isticmaalay habka ”Risk-Taking Scenario” oo ku odhanaya xisbiga aad taageersan tahay amma aad is-leedahay waa uu ku guuleysanayaa goobtan oo kale sii qiyaasta tirada ugu yar. Fadlan hoos ka eeg Chart ka iyo sida codadka saddexda xisbi Awdal u kala heli doonaan. jimce Wanaagsan.

Mohamed Hagi Mohamoud

Comments

comments