Nacnac Wuxuu Fariin U Diray Guulwadeyaasha Iyo Af-ku-Xoogleyaasha Inaan Boos Uga Banaanayn Muuse Biixi Agtiisa

“Wixii I garanayow ishayda waad aragtaan” Xildhibaan Nacnac

Xildhibaan Maxamed Diiriye Nac nac oo Mudo dheer ka Mid ahaa Xisbiga KULMIYE w dib wuxuu maanta shaaciyey inuu kulmiye ka baxay wadanina ku biiray  nacnac ayaa,caan ku ahaa amaanta madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  waxaanu nacnac Bilad ku qaatay guulwadaynta iyo sida madaxda looga qosliyo lacagtan looga qaado magacii la doono haloo bixyee  nacnac waxaa kale oo uu noqday xildhibaan kii ugu horeeyey ee madaxweynaha oo Golaha jooga  u mashxaraday  lagan maqli kari waayey qudbadiisa taasi oo muujinaysay halka uu ka gaadhay ku takaxtag sacabo tunka madaxweynaha Maadaama dalka ay ka dhacayso Doorasho Madaxweyne Bulshada Reer Somaliland Waxay ku kale dooranyaan Murashaxiinta , Qaar kood waxay ku dooranayaan Dano Hooda Gaar ka ah Qaar waxay ku dooranayaan Maxaa aniga lii Magcaabi doonaa ,Qaar kale waxay ku dooranayaan wax inaa lamid hadab nacnac iyo Guulwadayntiisii ma Ciro ayaa dan u ah mise Muuse Biixi

Nacnac saaxad siyaasad lagu arag taniyo intii Murashax Muuse Biixi loo doortay Murashax Kulmiye  Nac Nac Ayaa Bulshada reer Somaliland waxay ku taqaanay isagoo sax iyo Qalad ku taageera madaxweynaha in kasta oo maanta siyaasiyiin beeshiisa ahi sheegaan inay jirto tabasho badan oo gobolka hawud ku saabsan hadahan Xildhibaan NacNac, Ayaa Ku Cid loobay saaxada siyaasada Maadaama Murashax Kulmiye Uu yahay nin aan jecelayn  in la amaano ama loo guul wadeeyo bulshada reer Somaliland waxay is weydiisay Maxaa is bedelay Nacnac madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxuu hadiyo jeer ka qaadi jiray inta uu amaano lacag uu ku fulinayo mashaariic Khayir ah in kasta oo ay yarad inta lag arkaa waxuu ku qabtay waayo lacagaha uu madaxweynaha ka qaaday hadii uu wax ku qabanaayo way yaraan lahay Qaylida beeshiisu. Xildhibaan Nacnac Waxuu maanta bulshada u sheegay in Muuse Biixi uu u dhaamo Ciro waayo Ciro Waa nin jilicsan oo markasta u baahan Dhiiri galin iyo kalsooni loo muujiyo.

Hadaba Nacnac waa uu helay boos kiisii oo maantab waxuu ka bilaabay Madaar ka hargeysa waxaanu Fariin U Diray guulwade yaasha kale Murashax Muuse Biix cabdi Maaha Nin La Hor Ordo Kolba dhinac lag Maro

Bulshada reer Somaliland waxay boqolkiiba boqol ugu necebtahay Guulwade yaasha iyo dadka hor carar madaxda Murashax Muuse Biixi Guul Ayey U Tahay in ay ka xanaaqaal Guul Wadeyaashu

Xildhibaan Nacnac oo maanta warbaahinta la hadalay ,ayaa u hadalay sida madaxweyne siilaanyo lacagta uga qaadi jiray ayaa waxaa iftiimiyey inuu soo afjarmay mashruucii guulwadaynta lagu qadhaab sanaayey Muuse Biixin aanu ahayn shaqsi guulwadaynta ka hela markaa uu xaga ciro u huleelay waxaanu yidhi “Anigu waxaan ka mid ahaa xisbiga Kulmiye oo waxa nala yidhaahda Kulmiyaha qadiimka ah, markaan arkay saansaantiisa sida uu u socdo, kamaan dal doorsan ee waxaan leeyahay waan ka tagay Kulmiye sababta aan uga tahay waxa weeyi awal xisbigu miskiin kalkaal ayuu ahaa dadka masaakiinta ah waanu caawin jirnay, Madaxweynuhu wuu caawin jiray oo wadooyinka ayuu noo samayn jiray, markaan arkay in halkaa aanay waxba ka soo jeedin, markaa xisbiga Kulmiye waan ka tagay Waddanibaanan ku biirayaa Insha Allaahu Tacaalaa.

Kulmiyuhu Kulmiyihii Hore Maaha, Waxa la yidhaahdaa Kulmiyihii qadiimka ahaa iyo Kulmiyaha cusub, markaa Waxaan leeyahay New Kulmiye ka yaaca, Wixii I garanaayow ishayda waad aragtaan.” Ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac waxaanu intaasi ku daray “Madaxweynahaa wali wuu inala joogaaye waxyaalaha aan ku jeclaaday waxa weeyi xanta ma yaqaan, Xaaraanta ma yaqaan, qof ma xaasido, wuu naxariis badan yahay, Xalay ayaan Islaan lacag uga soo qaadayey, markaan ku idhi Madaxweyne miskiinadaasaa wuxuu igu yidhi halkaa ka qaad, kana wuu ka xanaaqayaaba (Muuse Biixi).” Ayuu Yidhi Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac, waxaanu intaasi ku daray “Wataayoo wadadii way socotaa, illaahay cimrigiisa ha dheereeyee waa wadadii uu Madaxweynuhu noo dhagax dhigay isagaana wadda, iff iyo aakhirana waanu ugu ducaynaynaa, waxaanu leenahay Alle ha ku barakeeyo oo cimriga ha kuu raajiyo ayaanu leenahay.” Ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac.

Nacnac oo maanta markii uu shaaciyey inuu ka baxay kulmiye kulan biiray WADANI Wuxuu hore ka bilaabay shaqadiisii can ka uu ku ahaa oo markiiba waxaa bulshada indho hoodu qabteen isagoo Ciro iska laalaadiyey iyadoon wali xisbigiiba lagu soo dhaweyn Cajiib dhaqan kan guulwadaynta ayaa ah dhaqan uu inagag tagay kaligii taliyihii siyaad bare

 

By Siciid Xuseen yuusuf

Siciid4@yahoo.com

Comments

comments

SHARE