Somaliland: “Waxaad Ku Dedaashaan Inaan Codku Idinka Habsaamin, Waayo? Waxa Imanaya Madaxweyne Cusub…” Cali Xoor-Xoor

Maareeyihii Hore ee Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-Xoor), oo Warar Maalmihii u dambeeyay soo baxayey sheegayeen inuu ku biirayo Xisbiga WADDANI, ayaa Ficil ahaan ku muujiyey inuu ka mid yahay Xisbiga KULMIYE.

Eng. Cali Xoor-Xoor oo ka mid ah Dadka Miisaanka ku leh Gobolka Saaxil, balse aan inta badan lagu dhex arag Xisbiyada Qaranka, ayaa Shalay deegaannada Abdaal iyo Dacar-Budhuq ee Gobolka Saaxil kaga qayb-galay Xaflado loo sameeyay Taageerayaal ku biiray Xisbul-Xaakimka KULMIYE, waxaanu ka jeediyey khudbado uu Dadweynaha iyo Taageerayaasha KULMIYE ku waaninayo inay doortaan Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Cali Xoor-Xoor oo ku jeeni-qaaraan Calanka KULMIYE, ayaa taageerayaasha KULMIYE ee Degmada Dacar-budhuq u soo jeediyey inay ku dedaalaan inay Codkooda dhiibtaan, iyagoo u codaynaya Muuse Biixi Cabdi, waxaanu yidhi “Innagu waxaynu ahayn KULMIYE, halkii baynu ka wadaynaa, Madaxweyne cusub ayaa imanaya, Muuse Biixi baa imanaya, markaa hiil iyo hooba waad isla garab taagaysaan.”

Cali Cumar Maxamed waxa kale oo uu Taageerayaashii dhegaysanayey u soo jeediyey “Maalinta Doorashada waxaad culayska saartaan sidii aad u codayn lahaydeen.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Dad badan baa Hargeysa ka imanaya oo Magaaladan imanaya, Dadkaana waad soo dhaweynaysaan, waxaanad isku dayeysaan inaanu Codku idinka habsaamin..”

Comments

comments

SHARE