Somaliland: Xisbiga WADDANI Oo Ku Hanjabay Inuu La Xisaabtami Doono Shakhsiyaadka Xukuumadda Ka Tirsan Ee Ku Tagrifala Awoodda Dawladnimada Haddii Uu Guulaysto

“Awoodaha Sidaad U Isticmaalaysaan Maaha Sidii La Idiinku Dhiibay, Waxaan Ka Digayaa In Xisaabtan Idinka Dambayn Doono” Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif Axmed

Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa ballanqaaday inay la xisaabtadmi doonaan shakhsiyaadka xukuumadda ka tirsan ee hadda ku tagri fala awoodaha dawladnimada.

Siyaasiga Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka mid ah saraakiisha ugu muhiimsan xisbiga WADDANI, horena u ahaa wasiirkii hawlaha guud ee xukuumadda Siilaanyo ayaa xubnaha xukuumadda KULMIYE uga digay inay la kulmi doonaan xisaab adag oo la xidhiidha lunsiga hantida umadda iyo hanaanka qaldan ee loo isticmaalo awoodda dawladda.

Cabdirisaaq Khaliif ayaa xukuumadda KULMIYE ugu goodiyey inuu isbedel saamayn lihi dalka ku soo wajahan wyahay, sidaas dararadeed ay ka digtoonaadaan falalkaas, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waar xilli kala guur ah baa lagu jiraa awoodaha sida aad u isticmaalaysaana maaha sidii la idiinku dhiibay, isbedel baana soo socda waxaan ka digayaa in xisaabtan idinka dambayn doono maanta awoodaha sida loo isticmaalayo ama ha noqoto mid maamul ama hanti boob ha noqoto ama haybaddii qaranka oo la lumiyey ha noqotee wuxuu xaalku marayaa halkii uu Xaaji Aadan Afqalooc ka gabyayay 1969 ee uu lahaa : hadduu geed darfuhu waynyihiin gooyabaa xigiye, gabal gaabtay iyo waxaan arkaa gaawa buuxsamaye,gardarrada qunyara xaal adduun galaba waa cayne”.

Shirkii Maamul-goboleedyada Soomaaliya Oo Kismaayo Ka Socda iyo Natiijada Ka Soo Bixi Doonta Oo La Saadaaliyey Inay Xaaladda Dalkaas Marxalad Kale Galin Karto.

Comments

comments

SHARE