Somaliland: Suldaanka Guud Ee Beelaha Bariga Burco Iyo Boqor Cismaan Buurmadaw Oo Fasiraad Ka Bixiyay Shirkii Burco Ugu Soo Xidhmay Beelaha Habar Jeclo Iyo Habar Awal Iyo Qorsha Beeshooda Udejisan

Suldaanka Guud ee Beelaha Habar Jeclo Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse iyo Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadaw ayaa ka hadlay shirkii shalay ugu soo gabo gaboobay magaalada Burco Beelaha bahwadaagta ku ah Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye ee Habar Jeclo iyo Habar Awal,waxa ay labadooduba sheegeen inay isla garteen beelahaasi inay ka shaqeeyaan guusha Xisbiga Kulmiye iyo sidii ay musharaxiinta ka sharaxani doorkan ugu guulaysan lahaayeen Doorashada Madaxtooyadda oo la filayo inay dalka ka qabsoonto horaanta bishan fooda inagu soo haysa.
Suldaanka Guud ee Beelaha Habar jeclo Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse oo hadal ka jeediyay shirkaasi ayaa waxa uu yidhi “Beesha Habar Jeclo iyo Beesha Habar Awal waxay isla garteen inay Mawqif iska wada taagaan Siyaasada maanta socota kana wada shaqeeyaan, Xoojiyaana Xisbiga Kulmiye,sidaasi ayuu xaalkii noogu dhamaaday,Ilaahayna waxaynu ka baryaynaa inuu Nabadgalyo iyo wanaag inoogu dhameeyo,Umadda Somaliland-na waxaanu ugu baaqaynaa inay nabadgalyada Xoojiyaan,oo meel uga soo wada jeestaan,Axsaabta tartankoodu waa sida Kubada oo kale,marka hore ee kubadda lagu sii socdo waxaad moodaa in la isku cadhaysan yahay,marka laga dareero ee qolo badisana waa la isku qoslaa,Markaa doorashadu waa sidaa,Markaa in Ceeb la’aan iyo walaalnimo lagu galo ayaanu ku dardaarmaynaa”ayuu hadalkiisa ku soo koobay suldan Cabdilaahi.
Dhinaca kale Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadaw oo ka mid ah Isimadii shirkaasi soo gunaanaday oo isaguna shirkaasi faah faahin ka bixiyay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Cuqaashii iyo Jiif Caaqiladoodii,Nin garboodkii iyo Siyaasiyiintii,way ku dhamaayeen,Maanta Ergada isku timid waxay ahaayeen ergo ka kooban illaa Lix boqol oo ah oo ahayd Saddex Boqol iyo Saddex Boqol,Waxaa noosoo gabo gabawday shirkii,oo ay noo gudoominayeen Labada Suldaan ee Guud,Suldaan Cabdilaahi Suldan Cali Muuse Iyo Suldaan Xasan Suldaan Cabdilahi Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye,Runtii waxaan odhan karnaa waa shir qaran,waa shir Guuleed,waa shir dhamaystiran ayaan u arkaynaa”.
Waxa kale oo uu yidhi“Shirkani waxa uu socday muddo tobaneeye Cisho ah,maanta ayaa halkani lagu soo afjaray, labada beelood waxay isla afgarteen oo ay isla qaateen,in si wadda jir ah oo dhamaystiran loo taageero oo loo dhiso Musharaxa Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi,iyo Ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici”.
Ugu dambayn waxa uu yidhi“Waxa weeyaan Beelaha Habar jeclo Waxay go’aansadeen inay si dhamaystiran iyada oo uu gudoominayay Suldaanka Guud,Salaadiintii kalena ay hareera fadhiyaan,dhamaan Beelaha Somaliland Goboladeeda iskaga timid ee Beelaha Habar jeclo in si dhamaystiran loo taageero loona dhiso la iskuna garab taago Xisbiga iyo musharaxiintiisa,waxay go’aansatay beelaha Habar jeclo Cod iyo Cudud iyo maalba inay isla barbar taagto,waxay go’aansadeen beelaha Habar jeclo inay ka hawlgalaan beelaha kale ee dariska ah maadaama oo ay cid walba uga faro dhuudhuuban yihiin inay taageero uga raadiyaan Xisbiga”.

Comments

comments