Pique oo si maldahan uga falceliyay wararka sheegaya inay kala tageen Shakira

Gerard Pique ayaa si maldahan uga hadlay wararka sheegaya inay kala tageen xaaskiisa Shakira.

Lama uusan hadlin saxaafada, mana uusan soo qorin oraah uu ku cadaynayo arinkaas balse wuxuu sameeyay tilmaan muujinaysa in arinkaas uu yahay been.

Pique ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay hees ay ku luuqaynayso xaaskiisa Shakira isaga oo soo raaciyay calaamadaha cadaynaya jacaylka.

Wargays ka soo baxa Colombia ayaa baahiyay shalay in Shakira ay ka tagtay gurigii ay kula noolayd Pique ee magaalada Barcelona kadib markii ay kala tageen.

Labaduba ilaa haatan si toos ah ugama hadlin wararkaan ku jira suuqa, balse Pique ayaa soo muujiyay in wararkaas ay yihiin kuwo been abuur ah.

Comments

comments

SHARE