Messi oo kula taliyay Alexis Sanchez inuu ku biiro kooxdaan… Ma ahan Barcelona!

Lionel Messi ayaa talo muhiim ah siiyay laacibka Arsenal ee Alexis Sanchez taas oo ku aadan kooxda uu ku biirayo.

Qandaraaska laacibka reer Chile ee kooxda Arsenal ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kaan, waxaana loo badinayaa inuu ka tago kooxda suuqa kala iibsiga ee bisha janaayo.

Shabakada Don Balon ayaa baahisay in Lionel Messi uu kula taliyay Alexis Sanchez inuu u dhaqaaqo PSG haddii uu doonayo hormar.

Messi ayaa jeclaan lahaa inuu markale ku arko Sanchez Barcelona laakiin wuxuu ogyahay in taasi ay adagtahay.

Isaga oo fiirinaya hormarka ay hiigsanayso kooxda reer France ayuu kula taliyay saaxiibkiisii hore ee Sanchez inuu la midoobo Neymar.

Comments

comments

SHARE