Isco oo ka hadlay Orintii xalay lagu oriyay Gerard Pique

Isco ayaa ka hadlay orontii xalay taageerayaashu ay ku orinayeen daafaca xulka Spain ee Gerard Pique.

Taageerayaasha xulka Spain ayaa ku orinayay Pique mar walba oo uu kubadda taabto taas oo qasabtay in laga saaro ciyaarta.

Isco ayaa sheegay in Pique uu yahay laacib muhiim u ah xulka, wuxuuna intaa ku daray inuu soo difaacayay funaanada xulka muddo dhan 15 sano.

“Pique waa laacib muhiim u ah xulka, wuxuu soo difaacayay muddo dhan 15-sano, shakina kuma jiro jacaylka uu u qabo xulka” ayuu yiri Isco kadib kulankii Albania.

“Qofkii doonaya inuu isaga ku oriyo xor ayuu u yahay, taasina ma yaraynayso qiimaha Gerard Pique”.

“Waa wax adag in kubadda cagta lagu soo lifaaqo siyaasada, waxa haatan lagu arkayo Spain waa wax ceeb ah”.

Comments

comments

SHARE