Somaliland: Dr. Axmed Cabdillaahi Cigeh Oo Mas’uuliyiinta Waxool Shaqadii Kaga Joojiyeen, Sababo La Xidhiidha Shir Beeshiisu Ku Taageerayeen Xisbiga WADDANI Oo Uu Ka Qayb Galay

40

Maahmaah Soomaali ah baa tidhaahda – “Hasha Geela Cunta Ee Cabaadda”, waxa sidaas ka dhigan Masuu’liyiinta Xukuummadda Kulmiye ee muddada yari u hadhay oo maanta shaqaalihii ku cabudhinaya amaba shaqadii kaga joojinaya oo weliba xilkii uu hayey kaga qaadaya REERKIINA ayaa Xisbiga WADDANI taageeray, halkii ay Sicir bararka iyo dhaqaala xumada dalka iyo xoolaha ka xidhan ugu fakiri lahaayeen. Waxaynu in yar ka xusuusaneynaa amaba eynu dib u fiirineynaa Xilkii Xisbigii UDUB ee uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin dalka J/Somaliland ka talinayey isla markaasna tartankii doorashooyinkii Madaxweynaha iyo Golayaashaba lagu jirey, shaqaalaha dawladda waxa ka mamnuuc ahaa iney ka qayb galaan shirarkii amaba kaambaynkii Xisbiyada iyo beeluhaba qabsanyeen, xitaa Xisbigii UDUB talada hayey muu oggoleyn inay Agaasimayaashu iyo shaqaalaha kaleba ka qeyb galaan Kaambeynka, anigu xilligaasi waxaan Agaasime Guud ka ahaa Waxool, mana ka qeyb geli jirin Kaambeyn iyo shir siyaasadeed iyo mid beeshuba leedahayba oo lagu taageerayo Xisbigii UDUB, iyadoo ay arrimahaasi oo dhammi jireen ayaa haddana Xisbiyada Mucaaradku qaylinayeen oo ay lahaayeen – Xisbiga UDUB hantidii iyo lacagtii Cashuurta Ummadda laga soo qaaday oo wax loogu qaban lahaa oo biyo iyo wadooyin loogu sameyn lahaa ayuu Kaambeyn ku gelayaa oo ku ololeynayaa – Hayaay ! Hayaay !
Car bal ha la sheego – Wasiirka, Agaasimaha, Maareeyaha, Badhasaabka, Maayarka iyo qof keliya oo xukuumadda Kulmiye ka tirsan oo uu reerkiisu amaba dadkiisoo dhammi ay dhamaantood MUXAAFID AMABA KULMIYE wada yihiin, maxa shaqaalaha iyo aqoonyahanka loo eryanayaa oo loo leeyahay Xisbi Mucaarad amaba WADDANI ayaad taageertay? Ma fiicanna Tacadigu ama in shaqaalaha lagu Xadgudbo, maalin walba reero ayaa shirar qabsada oo ay wasiiraddu iyo Madaxda kaleba ka qayb galaan oo qaarkood shirarkaas ay dusha ka yihiin in lagu taageerayo Xisbiga Kulmiye, dadka fadhiyaana ay wada yihiin Mucaarad oo TV ga qaaranka laga sii deynayo, weynu is wada garaneynaa oo waxa la yidhaahdaa HEBEL ma foga ee wuu Maxaafisi tegay ama wuu qadhaab doontay.
Xilligii UDUB ee Madaxweyne Daahir Rayaale Dalka Hogaaminayey waxa Waxool la shaqeynayey laba Urur oo Dhakhaatiir xoolaad ahaa oo u gaar ahaa Private-ka lana kala odhan jirey SOLNAVA iyo ULPA labadaasi urur waxay nagu ahaayeen Mucaarid oo weliba qoraallo iyo dacaayado fara badan bay nagu hayeen annagoo ku jirney xilli aad u adag oo aheyd furitaankii Maxjarkii ugu horeeyey ee Xoolo nool laga dhoofiyo kaasoo uu maalgeliyey shirkada Aljaabiri, haddana Seminaarada, Adeegyada tallaalka & Daaweynta xoolaha, Shuruucda iyo Barnaamijyada lagu hormarinayo xoolaha maanu ka reebi jirin oo wey nala qaban jireen iyagoo dhamaantood ka tirsan Xisbiga Kulmiye oo xilligaasi nagu ahaa Mucaarad aad u Xoogan, sababtoo ah wax kasta waxa ka weyn in qaranka loo adeego, waxaanu arkaynay in hawsha iyo adeegayada aanu wadnay ay culeys weyn nagu hayeen oo arrimahaas waxaanu u arkeynay wax isk fudud amaba aan wax qiimo ah ku fadhiyin.
Haddaba waxaan maqaalkan ku soo qaatay in toddobaadkan eynu ku jirno Mas’uul ka tirsan waxool uu qoraal u soo qoray, kaasoo tilmaamaya in shaqadii laga joojiyey isla markaasna xilkii lagaga qaaday Dr. Axmed Cabdillaahi Cigeh (Dr. AxmedShugri) oo ahaa Madaxa Fayadhawrka iyo Baadhista Hilibke ee Wasaaradda X. Xoolaha ee JSL.
Dr. Axmed Cabdillaahi Cigeh waa aqoonyahan khibrad aad u dheer u leh shaqadan uu hayey, isla markaasna kaga soo shaqeeyey Imaaraadka Carabta muddo shan & labaatan sanaddood, waa nin khibrad u leh Baadhista iyo Caafimaadka, fayo dhawrka Hilibka, waxana u baahan dalka iyo dadka, iyadoo Kawaano Casri ah maanta dalka laga hirgelyey, waa raggii wax laga weydiin lahaa, oo kawaanadaa buuqa keenay talo iyo tusaale ka bixin lahaa. Waxa lagu eryey Shirar reekoodu ama siyaasiiyiin ey isku reer yihiin qaban qaabiyeen oo Xisbiga WADDANI ku taageereen ayaad ka qayb gashay oo keliya, waxaynu ogsoonahay in jiraan Agaasimeyaal, Maamulayaal intay lacagtii ummada amaba hantidii & Gaadiidkii ummadda adeegsanaya ay xafalado beeshooda ugu qabtaan Hoteelada Waaweyn ee Magaalada Hargeysa lagu taageerayo xisbiga Kulmiye oo TV-ga qaranka iyo kuwa gaarka ahba laga sii daayo iyagoo lacag badan ku bixiynaya.
Waxa jira oo lagu arkay Gobolka Gebiley iyo Degmada Arabsiyo Xisbiga Kulmiye inuu uga ololeeya isaga Inaadeerkii oo ey isku reer yihiin oo ah Xoghayaha Dawladda Hoose ee Degmada Gebiley isagoo Gaadiidkii, Xilkii iyo lacagtii dawladda isticmaalaya, maxaa dhakhtarkan lagu heystaa aan waxba gacanta ugu jirin lacag ma hayo, gaadhi ma heysto, waa arrin la yaab leh. Ma waxa jira waxa Xisbiga Kulmiye oo keliya u Xalaal ah, oo Xisbiyada Mucaaradka ka Xaaraan ah ? ? ? Bal arrintaasi Akhristow ka Jawaab?
Waxa eynu wada ogsoon nahay in markii uu ka socday Kaambeynkii Xisbiga Kulmiye dhexdiisa, ee ay u tartamayeen Afar Musharax oo kala ahaa Samaale, M. Biixi Yoonis, Kijaandhe iyo Muse Biixi, inay xunaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ka wada tirsani ay qaarba mid gaar ah codkooda ula diyaar ahaayeen, rag fara badan oo ka koobnaa Agaasmiyaal, Maaryeyaal, Wasiiro oo aanan jecleyn inaan halkan ka magacaabo ey Muuse Biixi ka soo hor jeedeen oo ey raggaasi qaarkood kaba codeeyeen MUUSE BIIXI oo aan hadda cidiba kula tartamin Musharaxnimada Madaxweynaha markii dembe, haddii TARTAN ka dhex dhici lahaa Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye HAL COD nimankaasi may siiyeen, maantana iyagii baa sameynaya oo kharash ku bixinaya Xaflado iyo casuumado gacan ku rimis ah oo MUUSE BIIXI lagu tageerayo, iyagoo ujeeddo u gaar ah ka leh amaba sidaa dantooda ka dhex arkay.
Qofka masu’uulka amaba shaqaalaha ah waxa uu uu xaq u leeyahay in Digniin af amaba qoraal ah la siiyo amaba ganaax la siiyo waa marka aad adigu Nadiif tahay amaba aad xor tahay, laakiinse Xisbiga KULMIYE wax kastaa waa u Xallaal, Mucaaradka waa ka xaaraan miyaa sheekadu, wax kale iska daayoo xitaa ishii amaba leydhkii casaa ee baabuurta joojin jirey ee Mayor Cawl sameeyey ee caasimada hargeysa ku yaallay ayuu Xisbiga Kulmiye ku xidhay Calankiisii, xisbiyadana mucaaradka ahna waa ka xaaraan miyaa, oo maalin walba qaar baa ka qeylinaya oo ka hadlaya arrimaasi iyo wax la mid ah, iyagoo ku dhawaaqaya birihihii Leydhka ee Soolarka ahaa ayuu Xisbiga Waddani ku xidhay Calankiisii. Horaa loo yidhi “Maroodigu Takarta Saaran ma arkee,Takarta Maroodiga kale saaran buu arkaa”. Weli laguma sameyn Xisbiga amaba Calanka Kulmiye in la gubo amaba Loo xidho Eey, sidii ey Taageershii Kulmiye ku sameeyeen Calankii uu laha Xisbigii UDUB ee uu aasaasay Marxuum Cigaal, (AHUN) ee Eeyda loogu jeeni qaaray.
Qore: Dr. Maxamud Cali Giire
Agaasimihii Guud ee Hore ee Waxool, ee Xisbigii UDUB, Imminka ka tirsan Xisbiga WADDANI

Comments

comments