Somaliland: Dad Ku Sumoobay Qaad Oo Cisbitaalada Burco La Dhigay Iyo Qaylo Dhaan Ay Xukuumadda Kaga Codsadeen In Qaadka La Baadho

153

Dad badan ayaa laga soo sheegayaa inay maalmihii u dambeeyay ku sumoobeen Geedka qaadka Magaaladda Burco,waxaana dadkaasi qaar ka mid ah lagu dabiibayaa Cisbitaalo kuyaala Gobolkaasi Togdheer gaar ahaan Caasimada gobolkaasi ee Burco,iyadoo sidoo kalena aad looga cabsi qabo inay dad badan kale u soo daataan sun looga baqayo in si qarsoodi ah ay ugu soo daraan Dad Oromada ah ee Geedkani ka soo baxo kadib isku dhacyada iyo shaqaaqooyinka dhex aloosan Soomaalida iyo Oromada dalka Itoobiya.
Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan Magaalada Burco oo la hadlay warbaahinta ayaa qaylo dhaan ka muujiyay dad ku sumoobay geedka qaadka Magaalada Burco,waxaana dadkasi ka mid ahaa Xildhibaan Cabdirashiid Faarax oo golaha deegaanka Burco ka tirsan,waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Qaadkii wuu yimid Somaliland wuu soo galay,Hadaba Maxaa dhacay,Bulshooy waxa dhacay in shalay iyo maantaba dad badani ku sumoobeen Qaadka Magaaladda Burco,waxaa rumoobay qodobkii ay Oromadu ay tidhi waxaanu ku balan qaadaynaa haddii aad na dayn waydaan inaanu iskakii dayno,oo aanu qaadka sumayno,bulshooy waxaan idiin sheegayaa in qodobkaasi caalad caafimaad ee dalkeena wax u dhimay,waar qaadka iska daaya oo iska hubiya,Xiitaa sun ayaa lagu daray Qaadkii,waana xaqiiqa waanay yaalaan dadkii”.
Mid Ka Mid Ah Shacabka Reer Burco Oo Isna Warbaahinta La Hadlay Ayaaa Waxa Uu Yidhi “Marfash Kuyaala Magaalada Burco Oo Lagu Qayilo,Lix Nin Ayaa Marqudha Kuwada Sumoobay Qaadka Oo Aan Saaka Soo Kicin, ,Markaa Waxaan Leeyahay Dadka Qaadka Soo Iibgaynaysa Waar Dadka Ha Laynina Eh Qaad Nadiifa U Keena,Oo Waxaad Hubtaan Keena,Dawladana Waxaan Leenahay Qaadka Yaan La Cashuurin Uuni Hala Baadho”.
Waxa kale oo uu yidhi“Anigu muddo ayaan qaad soo cunayay oo waligay kumaan xanuunsan,laakiin todobadan cisho ee uu dib u soo laabtay ayaan u xanuunsaday,markaa anigu waxaan soo jeedinayaa in Qaadka la iska daayo oo dadka iyo dalkaba laga qabto,waxaan arkay dad badan oo qaadka cuni jiray oo Todobaadkii u dambeeyay ku xanuunsaday,qaar ayaa maryahaba dhigtay qaar ayaa ku sumoobay”.

Comments

comments